Mesut Ozil Oo Ka Adkaysan Kari Waayey England Iyo Wixii Uu Baraha

Xiddiga reer Germany ee Mesut Ozil ayaa ku maadsaday England markii ay soo dhamaatay ciyaartii xalay barbarraha ay la galeen Scotland, taas oo ay muujiyeen bandhig saluug laga muujiyey.

Mesut Ozil oo xulka qaranka Germany kula guuleystay Koobkii Adduunka 2014 ayaa ka tegay horyaalka Premier League horraantii sanandkan waxaanu si rasmi ah ugu wareegay kooxda Fenerbahce ee ka dhisan waddanka uu asal ahaanta kasoo jeedo ee Turkey.

32 jirkan oo sannadkiisii ugu dambeeyey horyaalka Premier League dhibaatooyin badan ay ku hayeen warbaahinta Ingiriiska ayaa ka aargoostay xulka England, waxaanu u dabbaal-degay barbarrihii Scotland oo uu la safnaa.

Mesut Ozil oo adeegsanaya bartiisa bulshada ee Twitter-ka ayaa waxa uu England soo xasuusiyey hoggaamiyihii Scotland dagaalkii u horreeyey ee ay Scotish-ku xornimadooda kaga doonayeen Ingiriiska ee William Wallace.

Farriintan hadal haynta badan dhalisay ayuu Ozil sii raaciyey calanka Scotland, isagoo yidhi: “Ruuxdii William Wallac ayaa qarisay Wembley caawa…”

Xulka qaranka Scotland ayaa bandhig cajiib ahaa sameeyey, waxaana tababare Steve Clarke oo hadlay kulanka kaddib uu amaanay ciyaartoyda kooxdiisa, isagoo yidhi: “Waan ku faraxsanahay ciyaartoyda kooxdiisa. Waxa uu ahaa bandhig wanaagsan, waanu ogeyn in aanu halkan imanayno oo aanu xoogaa ku dhibaatoonayno kubbad haynta.

“Laakiin waxaan ku faraxsanahay sida wanaagsan ee ay ciyaartoydu kubaddu u dheeleen iyo fursadaha ay sameeyeen.”

Scotland ayaa kulanka ugu dambeeya tartanka qaramada Yurub ee Euro 2020 waxay la ciyaari doonaan Croatia oo ay min hal dhibic leeyihiin, halka England iyo Czech Republic oo min afar dhibcood haystaana ay kulmi doonaan.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More