Maxay Tahay Walwalka Ay Barcelona Ka Qabto Barta

Waa wax caadi ah in taageerayaasha kubada cagta badankood ay doonayaan inay u dhawaadaan halyeeyadooda kubada cagta, waana wax ay dhibaato ku qabaan ciyaartoyda maalin walba.

Si kastaba, Barcelona ayaa walaac ka qabta barta bulshada ee Tiktok madaama taageerayaal badan oo bartaas isticmaala ay handadayaan ciyaartoydooda maalin walba iyagoo adkeeyay amaanka garoomadooda tababarka sida ay sheegtay ESPN.

Waxaa jira dhowr muuqaal oo dhex wareegaya Tiktok oo taageerayaasha ay bartilmaameedsadeen Lionel Messi isagoo ka sii baxaya garoonka tababarka, waxayna isku dayeen inay aad ugu dhawaadaan ciyaaryahanka taasoo halis gelin karta amaankiisa.

Messi stopped to give this fan a jersey ❤️

(via fcbkyrylo/TikTok) @ESPNFC pic.twitter.com/mGjHZavzWX

— ESPN (@espn) December 17, 2020

Si kastaba ciyaartoyda sida Antoine Griezmann, Pedri iyo Riqui Puig ayaa iyagana la bartilmaameedsaday iyadoo Riqui Puig la handaday xilli ay taageerayaasha ku qeyliynayeen in 21 jirka uu noday qof isla weyn tan iyo markii uu ka mid noqday kooxda koowaad.

Taageerayaasha ayaa sidoo kale muuqaalo Tiktok ah iska soo duubay iyagoo aflagaadeynaya daafaca Sameul Umtiti iyo xiddiga khadka dhexe Frenkie de Jong.

? La paciència de Riqui Puig davant la mala educació dels altres…#FCBlive pic.twitter.com/zzkjv9jitO

— Què T’hi Jugues (@QueThiJugues) November 11, 2020

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More