Maxay Tahay Talaabada Uu Qaaday Kylian Mbappe Ee Muujinaysa Inuu

Da’yarka kooxda Paris Saint-Germain iyo xulka France ee Kylian Mbappe ayaa u muuqda mid muujinaya sida uu u doonayo ku biirista Real Madrid oo ah koox si joogto ah loola xidhiidhinayay saxeexiisa suuqyada sanadihii ugu dambeeyay.

Heshiiska uu Kylian kula joogo Paris ayaa ah mid dhacaya xagaaga dambe ee 2022 waxaana uu u muuqdaa mid aan diyaar u ahayn inuu wax heshiis kordhin ah u sameeyo kooxda ku ciyaarta Parc des Princes.

Mbappe ayaa lagu soo warramayaa inay wadahadalada heshiis kordhinta isku diideen agaasimaha kooxdiisa ee Leonardo taasina ay dhalisay in madaxweynaha kooxdaas ee Nasser El Khelaifi uu isagu shaqsiyan u galo xaaladiisa.

Dhinaca kale wargeyska xog ogaalka ka ah kubadda cagta France ee L’Equipe ayaa shaaca ka qaaday in uu Mbappe u sheegay maamulka kooxdiisa inuu dhammaysanayo halka sano ee heshiiskiisa ka hadhsan kaddibna qaab bilaash ah ku baxayo.

Haatan talaabada uu qaaday Mbappe ee hadal haynta kale dhalisay ayaa ah inuu fasaxiisa xagaaga dalka Greece kula qaadanayo weeraryahanka Real Madrid ee Karim Benzema oo ay sidoo kale France soo wada meteleen intii Euro socotay.

Mbappe ayaa ahaa mid aad usoo muujiyay sida uu ugu faraxsanaa in Benzema xulka Les Bleus looga waco kaddib mudo shan sano ah oo uu ka maqnaa.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More