Maxay Ahayd Sababtii Liiska Xulka Qaranka England Ee Kulankii Croatia

England ayaa guul ku bilaabatay tartanka qaramada Yurub ee Euro 2020, iyadoo 1-0 ay kaga adkaadeen Croatia, waxaana goolka madiga ah qaybtii dambe u saxeexay Raheem Sterling.

Tababare Gareth Southgate ayaa kulankan qaatay go’aamo muran dhaliyey, isagoo aan liiska ciyaartoydiisa kusoo darin xiddigo la filayay inay kulanka kusoo bilowdaan.

Difaaca bidix oo la filayay inuu kusoo bilowdo Luke Shaw ayaa kaydka la dhigay, waxaase layaabka ugu badan uu ka yimid markii liiska ciyaartoyda laga waayey difaaca bidix ee Chelsea ee Ben Chilwell oo caafimaadkiisu taam ahaa, wax dhibaato ahina aanay haysanin.

Waxa kale oo liiska ciyaartoyda England ee kulankii maanta aan lagu soo darin garabka weerarka kooxda Borussia Dortmund ee Jadon Sancho oo xuddun u ah hadal-haynta suuqa iibka ciyaartoyda ee xagaagan, kaas oo la sheegayo in Manchester United ay kula soo wareegayso 80 milyan oo Gini.

Tababare Gareth Southgate ayaa la weydiiyey sababta uu ugu soo bilaabay Trippier difaaca bidix iyadoo uu kaydka ku jiro Luke Shaw oo difaacyada ugu wanaagsan ee booskaas ah, isla markaana uu liiska xulkiisa uga reebay Ben Chilwell, waxaanu ku jawaabay: “Sababtu waa xidhiidhka Trippier (ee ciyaartoyda kale) iyo hoggaamintiisa oo na caawinaysa.”

Southgate oo bixinayay sharraxaad dheeraad ah oo la xidhiidhay sababta uu uga yimid Chilwell iyo Sancho ayaa yidhi: “Waxa nasiib-darro ah in kaliya aanu magacaabi karno (liiska ciyaartoyda ee kulanka) 23 ciyaartoy iyo in aanu buuxino dhamaan boosaska.

“Ma jecli xaqiiqada ah in aanu ciyaartooyo ka reebno liiska xulka qaranka tartankan weyn, caddaalad-darro ayaanay ku tahay iyaga, laakiin waxa la nagu xaddiday 23 ciyaartoy oo ay saddex ka mid ahi goolhayeyaal yihiin.”

Hadalka Southgate ayaa ka dhigan in saddexda goolhaye ay qasab tahay inay maalin walba ku jiraan liiska xulka, isla markaana uu ciyaar kasta liiskiisa ka reebi doono saddex ciyaartoy oo kale.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More