Maxaa Helay Xiddigayagii? England Oo Ka Walaacsan Xaaladda Uu Ku Jiro

Harry Kane ayaa la beddelay daqiiqaddii 74aad ee kulankii Ingiriisku la ciyaaray Scotland kaddib bandhig musiibo ah oo uu soo bandhigay kulankii labaad ee xidhiidh ah ee tartanka qaramada Yurub ee Euro ah.

Kabtanka England ayaa aamusnaan kaga jiray kulankii Croatia ee Axaddii oo isagoo aan wax gool ah dhalinin, haddana niyad-jabkaas ayuu ku celiyey mar kale ciyaartii xalay ee Scotland ay barbarraha goolal la’aanta ahaa la galeen.

Kulankii labaad oo xidhiidh ah ayuu Kane ku dhibaatooday garoonka dhexdiisa, waxaana layaab ahayd sida uu xattaa kubadda u doonan waayay amaba meel ay marayso uu u arki waayey.

Qaybtii hore ee kulankii Scotland ee xalay, waxa uu Harry Kane kubadda taabtay 10 mar oo kaliya, waxaanu sidaas ku ahaa laacibkii ugu liitay isku-darka ciyaartoyda labada xul.

10 – Harry Kane had just 10 touches in the first half; the fewest of any player in the match, while just one was in Scotland’s box and the England forward completed just two of five passes attempted. Isolated. #ENG #EURO2020 pic.twitter.com/hDwf3F7wGf

— OptaJoe (@OptaJoe) June 18, 2021

Tababare Gareth Southgate ayaa kabtankiisa bannaanka dhigay iyadoo dhamaadka ciyaarta ka hadhsan yihiin 16 daqiiqadood, waxaanu keenay Marcus Rashford oo isagana waqtigu ku yaraa.

Laacibkan loo saadaalinayey in uu ku guuleysanayo kabta dahabka ah ee gool-dhalinta Euro ayaa hadda la isweydiinayaa wax ka si’da ah iyadoo laga filayay inuu noqdo hoggaamiye koobka ku hoggaamiya waddankiisa.

23 gool oo uu soo dhaliyey iyo 14 caawimo ah oo uu raaciyey horyaalka Premier League ee xilli ciyaareedkii dhowaanta dhamaaday, Kane ayaa ahaa weeraryahanka farta lagu fiiqayay, iyadoo khubarada ciyaaraha ee Ingiriiska u badanna ay ku doodayeen, in sidii Koobkii Adduunka 2018 oo kale uu ku guuleysan doono kabta dahabka ah ee tartankan.

Taageereyaasha xulka qaranka England ayaa kulankii xalay waxay si weyn baraha bulshada iskula wadaageen dareenkooda bandhiggii Kane, waxaanay qaar badan isweydiiyeen waxa ka si’da noqday xiddigooda ay ka sugayeen in koobka uu ku hoggaamiyo.

Si kastaba, England ayaa fursaddii ugu wanaagsanayd ee ay gool ku dhalin karayeen kulankii xalay, waxa uu ahaa kubbad madax uu ku qabtay John Stones oo birta kusoo dhacday.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More