Mathieu Flamini Oo Iibsan Karaya Man United, Chelsea, Man

Ciyaartoygii hore ee khadka dhexe ee Arsenal ee Mathieu Flamini ayaa la sheegay inuu ku hamiyayo inuu iibsado koox iyadoo ay qasnaddiisana ku jirto lacag lagu qiyaasay 30 bilyan oo Euro oo uu ka sameeyey ganacsiyo si degdeg ah u guuleystay iyo warshado uu samaystay.

Mathieu Flamini oo ay da’diisu tahay 36 jir, waqtigiisii ugu fiicnaana kusoo qaatay Arsenal oo uu u ciyaaray 246 ciyaarood ayaa waxa uu la qaaday saddex koob oo FA Cup ah iyo finalkii Champions League ee 2006 oo uu ciyaartoygii ay Barcelona koobka ka qaadday ka mid ahaa.

Laba sannadood oo aan wanaagsanayn oo uu kusii qaatay AC Milan ayaa ahaa kuwo aan sidii Arsenal oo kale ugu guuleysan.

Maadaama uu haysto lacagtan tirada badan leh, wuxuu awood u leeyahay inuu iibsado naadiyada ugu waaweyn dunida. Tusaale ahaan, Manchester United oo dhowaan la sheegayay in Sucuudigu iibsanayo, ayaa waxa qiimaheeda lagu sheegay wax ka hooseeya 4 bilyan oo Gini, halka lacagta uu Mathieu Flamini haystaa ay kor u dhaafayso 30 bilyan, taas oo awood u siinaysa inuu naadiyo waaweyn gacanta ku dhigo.

Arsenal oo dhuuxa ka gashay, una arko inay tahay naadi uu isagu iska leeyahay oo kale, ayaa la sheegay in Mathieu Flamini uu doonayo inuu iibsado.

Warbaahinta Ingiriiska ayaa qortay in lacagtan ku jirta qasnadda Flamini oo marka loo beddelo lacagta UK noqonaysa £27 bilyan oo Gini, uu u baahan yahay inuu ku sameeyo maalgelin kale, gaar ahaan kubadda cagta oo haddii uu Arsenal iibsado uu faa’iido badan ka heli doono, isaguna uu kooxda ka dhigi doono mid dhisan oo koobab ku guuleysata.

Wargeyska The Athletic ee ciyaaraha wax ka qora ayaa xidhiidh la sameeyey Flamini, waxaanay weydiiyeen, haddii uu diyaar u yahay inuu la wareego maamulka iyo mulkiyadda Emirates Stadium, waxaanu Flamini ku jawaabay: “Maya. Ha i weydiinin sida aan kubadda cagta ugu lug yeelan doono, sababtoo ah, maaha wax aan waqtigan ku fikiro. Laakiin, wax dhab ah inay tahay shay qayb ka ah noloshayda oo dhan. Mar walba waxaan damacsanahay inaan bulshadeeda ku jiro.”

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More