“Manchester United 20 Sannadood Ayay Sugi Doontaa Hanashada

Ryan Giggs ayaa ka baqaya in Manchester United ay sugi doonto 20 sannadood inay ku guuleysato hanashada koobka horyaalka Premier League.0

Red Devils ayaan ku guuleysanin koobka horyaalka tan iyo intii uu ka fariistay tababaraha halyeeyga ah Sir Alex Ferguson sannadkii 2013.

Laakiin Giggs ayaa qirtay in awooda kooxda haatan heysata koobka horyaalka ee Liverpool kuwaasoo 30 sannadood sugayay horyaalka iyo Manchester City inay sii dheereyn doonto abaarto Man United ee koobka horyaalka.

Daaficii hore ee Liverpool Jamie Carragher ayaa weydiiyay Giggs haddii uu ka walwalayo in kooxdiisa hore ay raaci doonto wadadii Liverpool ay mudada dheer ku sugeysay koobka horyaalka, Giggs ayaa ku jawaabay:

“Haa, boqolkiiba 100. Waxay noqon kartaa 15, 20 sannadood ka hor inta aadan ogaanin, gaar ahaan haddii Klopp iyo Guardiola ay sii joogaan.

“Waxay heystaan maalgashi iyo ciyaartooy sidaasi darteed waa inaan eegno Liverpool iyo markii ugu danbeysay ee ay horyaalka ku guuleystaan sannadkii 1990 markaasoo ay ku fekerayeen inay dhawaan ku guuleysan doonaan mid kale.

“Xitaa Klopp ayay ku qaadatay afar sannadood iyo bar inuu ku guuleysto – waqti dheer ayay qaadaneysa. Waa inaad ka fekerto wixii uu Klopp sameeyay.

“Wuxuu horumariyay kooxda xilli ciyaareed walba ama wuxuu ku guuleystay koob sida Champions Leageu, ka dib waxaad aragtay horumarka taasoo cadaadiska ka yara dabcisay.

“Tababare walba iyo saxiix walba waxaan u aragnaa inuu horyaalka ioo qaadayo, laakiin sidaasi ma ahan xaalka.”

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More