Manchester City Oo Buuxisay Shuruudihii Lionel Messi Ku

Pep Guardiola ayaa qalinka ku duugay heshiis cusub oo laba sannadood ah oo uu kula sii joogi doono Manchester City illaa badhtmaha sannadka 2023.

Tababaraha reer Spain oo qandaraaskiisii hore ay ka hadhsanaayeen toddoba bilood oo kaliya, mushahar ahaanna sannadkii u qaadanayay lacag dhan £20 milyan oo Gini ayaa si rasmi ah usoo afjaray hadal hayntii sheegaysay inay suurtogal tahay inuu ka tago Etihad Stadium.

Manchester City ayaa shaacisay in tababare Guardiola uu cimrigiisa u hibeeyey oo uu laba sannadood oo kale sii joogi doono, isla markaana uu saxeexay heshiis cusub.

Guardiola ayaa isaguna warbaahinta la hadlay, waxaanu yihdi: “Tan iyo markii aan imid Manchester City, waxaan dareemayay in aad ay kooxdu iisoo dhoweynayso iyo magaaladuba laf ahaanteeda, ciyaartoyda, shaqaalaha, taageereyaasha, dadka Manchester, Guddoomiyaha iyo mulkiilaha.

“Kaddib waxa aanu gaadhnay heshiis wanaagsan, waxaanu dhalinay goolal, kulamo ayaanu guuleysanay, koobana waanu wada qaadnay, dhamaantayona waanu ku hanweynahay guulahaas.

“Helitaanka taageeradaasi, waa waxa ugu weyn ee uu doonayo tababare kastaa inuu helo. Waxa aan haystaa wax kasta oo suurtogal ahaa oo aan ku doonayay inaan kusii wadan karo shaqada, waxaana i farxad gelisay kalsoonida la iigu muujiyey inaan shaqada sii wado laba sannadood oo kale kaddib xili xili ciyaareedkan.

“Caqabado ayaa naga horreysa, waxaananu sii wadi doonaa inaanu horumar samayno oo aanu guuleysano, waxaanan aad ugu faraxsanahay inaan ka caawiyo Manchester City inay sidaas samayso.”

Guardiola oo ay da’diisu tahay 49 jir ayaa Manchester City la qaaday laba horyaal oo Premier League ah, waxaase uu dagaal ugu jiraa sidii uu uga caawin lahaa in markii ugu horreysay ay hanato Champions League oo aanay waligood ku guuleysanin.

Wargeyska The Sun ayaa waxa uu sheegay in heshiiskan uu saxeexay Pep Guardiola uu caddayn u yahay in kooxdu ay rajo weyn ka qabto inay lasoo saxeexan doonto Lionel Messi oo ay bisha January gacanta ku dhigi doonaan, haddii kalena ay xagaaga si bilaash ah ula soo wareegi doonaan.

Wargeysku waxa uu intaa ku daray in kooxdu ay bisha January wax walba u samayn doonto inay lasoo saxeexato Messi.

Dhinaca kale, Lionel Messi ayaa hore loo sheegay inuu laba shuruudood ku xidhay Manchester City, waxaanay midda hore ahayd in Pep Guardiola uu sii joogo iyo midda labaad oo ah in Sergio Aguero uu isaguna ku sugnaado Etihad Stadium.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More