MACA-SALAAMA!! Joe Gomez Oo Qalliin Lagu Sameeyey & Xili

Joe Gomez ayaa lagu sameeyey qalliin guuleystay kaddib dhaawacii kasoo gaadhay tababarkii uu la sameynayay ciyaartoyda xulka qaranka England maalintii Arbacada, waxaanu garoomada ka maqnaan doonaa muddo aan la cayimin oo lagu sheegay in aanu xili ciyaareedkan oo dhan garoomada kusoo laaban doonin.

Liverpool ayaa xaqiijisay in la qalay difaaceedan Khamiistii maanta kaddib dhaawacii jilibka kasoo gaadhay.

Kooxdu waxa kale oo ay shaacisay in dhaawacani kusoo gaadhay shil oo isagoo kalidii ah uu dhulka ku dhacay, iyadoo aanay cid kale oo ciyaartoyda ahi u dhowayn.

War-saxaafadeedka ay kooxdu soo saartay ayay kaga gaabsatay inay qirato in xili ciyaareedkan uu si buuxa u macasalaameeyey oo aanay ku xisaabtami doonin, hase yeeshee, waxay haddana dhinaca kale diidday inay sheegto waqtiga suurtogalka ah ee uu soo laaban doono.

Dhaawacyada noocan oo kale ah ayaa la sheegay inay inta badan qaataan waqti badan, sidaas darteedna ay haddaba kooxdu kusii talo-galayso inay raadsato beddelkiisa oo xili ciyaareedkan aan lagu arki doonin garoomada.

Khubarada takhasuska ku ah dhaawacyadan ayaa sheegay in muddo lix bilood ah uu qaadan doono dhaawacu, iyadoo siddeed illaa 12 usbuuc la eegi doono haddii ay is-qabsadaan kala go’a ku yimid seedaha, ka hor inta aanu bilaabin soo kabashada caadiga ah.

Haddii ay seeduhu isku qabsadaan waqtigaas, waxay soo kabashadiisu qaadan doontaa muddo lix bilood ah, haddii se uu jidhkiisu hore u samayn waayo korriinka degdegga ah ee taam ahaanshaha oo ay hore u biqli waayaan seeduhu, waxa dhici karta inuu waqtigaas kasii dib dhaco.

War kale oo ay warbaahinta Ingiriisku qoreen ayaa waxa uu sheegayaa in kooxda Liverpool qabto rajo ah in bisha May uu kusoo laabto garoomada, taas oo iyaduna ku beegan waqti horyaalladu dhamaadeen.

Si kastaba, waxa uu Joe Gomez kasoo horreyn doonaa Virgil van Dijk oo isagu illaa bisha July aan kusoo noqon doonin garoomada.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More