Ma Sidanaa U Dambaysay? Cristiano Ronaldo Oo Samirkii Ka Dhammaanayo &

Cristiano Ronaldo iyo kooxdiisa Juventus ayaa ah kuwo wada qaadanaya wakhti adag oo dhinaca natiijooyinka kulamada, dhinaca dhaqaalaha iyo xidhiidhka ka dhaxeeya intaba ah taas oo xaalada qolka labiska kooxdaas ka dhigaysa mid aan fiicanyn.

Weeraryahankii hore ee Actual Madrid ayaa ah mid raadinaya qorshihii uu kaga bixi lahaa kooxdaasi balse dalabaadka u imanaya ayaan ahayn kuwo u dhakhso badan sida uu jeclaan lahaa.

Arrinta yaabka leh iyo xaalada uu suuqa kaga jiro Ronaldo ayaa ah inaysan jirin wali wax kooxo ah oo dalab kasoo gudbiyay, sidoo kale CR7 ayaa isagu adeegiisa u bandhigay Actual Madrid halkii ay kooxdu kasoo dalban lahayd iyadoo kooxda caasimada Spain ay heshiis ay kusoo ceshanayso u aragto wax aan macquul ahayn.

36 sano jirkaas ayaa si weyn ugu xiisay Madrid oo ahayd goob lagu ixtiraami jiray lagana jeclaa isaga oo dareensan inuu wali xidhiidh fiican la leeyahay madaxweynaha kooxdaas ee Florentino Perez.

Si kastaba, waa Manchester United kooxda kale ee lala xidhiidhinayaa oo sidoo kale ah kooxdiisii hore. Wakiilka Ronaldo ee Jorge Mendes ayaa xidhiidh fiican la leh maamulka United, walow uu adkaan doono heshiis uu ugu wareegayo kooxdaasi haddana albaabka ayaa wali u furan.

Kooxda ree France ee Paris Saint-Germain ayaa ah koox kale oo ay macquul tahay in Ronaldo ku biiro, Paris ayaa buuxinaysa shuruuda Ronaldo ee ah inuu wali heerka ugu sarreeya ka ciyaari doono oo uu Champions League u tartami doono.

Dabcan ma jiraan wax muujinaya in mid kamida heshiisyadaasi ay qabsoomi doonaan, wakhti xaadirkan Ronaldo ayay tahay inuu diirada saaro qoshaha uu Bianconeri ugu soo saarayo Champions League xilli ciyaareedka dambe,

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More