Ma Rumaysan Kartaa? Magacyada 25 Xiddig Oo Ka Orod Dheereeya Kylian

Kylian Mbappe waxa Koobkii Adduunka 2018 ku qabsaday orod iyadoo markaas uun da’diisu madaxa la gashay 18 jir, waxaana uu jabiyey rikoodho dhinaca gool-dhalinta oo uu hore u haystay halyeyga Brazil ee Pele.

Kaddib guushii Koobka Adduunka, Kylian Mbappe waxa uu waddankiisa ku hoggaaminayaa tartankii labaad ee weyn ee ay u dagaallamayaan inay ku guuleystaan iyadoo uu isaguna hormood u yahay.

Inkasta oo ay da’diisu yartahay, haddana waxa  hadal-haynta ugu badan reeba xawaaraha dheereeya ee orodkiisa iyo farsamadiisa oo sarraysa, taas oo uu ugu muuqdo mid ka mid ah ciyaartoyda da’doodu meel-dhexaadka tahay, halka uu wali yahay 22 jir kaliya.

Si kastaba, Kylian Mbappe waxa uu ciyaartoyda orodka dheeraysa ee Euro 2020 ka qayb-gelaysa kaga jiraa kaalinta 24aad, waxaana ka horreeya 23 ciyaartoy oo kale.

Hubaal weeye, in aanad hore u ogeyn in tirada intaas le’eg oo ciyaartooyo ahi ka orod badan yihiin Kylian Mbappe, laakiin sida macluumaad UEFA laga helay ay muujinayaan, difaaca reer Hungary ee Loic Nego iyo difaaca Talyaaniga ee Leonardo Spinazzola ayaa ah labada ciyaartoy ee ugu dheereeya, waxaanay saacaddii ordhi karaan 33.8 kiiloo mitir.

Ma aamini kartaa in Andreas Christensen oo Chelsea ka tirsan ama laacibka Norwich City ee Teemu Pukki ay ku jiraan kuwa ugu dheereeya, haddaba ku darso ogaalkaaga inay yihiin ciyaartoyda ugu dheereeya ee ka qayb-gelaya Euro.

Raheem Sterling iyo Kyle Walker ayaa Ingiriiska kaga jira ciyaartoyda orodka dheereeya, waxaana labdooda dheereeya Raheem Sterling.

Kylian Mbappe ayaa isagu ku jira kaalinta 24aad, waxaanu saacaddii ordi karaa 32.2km, waxaanay isku mid yihiin Akanji oo difaaca uga ciyaara Swtzerland iyo Scott McTominay oo Scotland ah.

Halkan kaga bogo ciyaartoyda ugu orodka dheereeya ee ka  qayb-gelaya Euro:

23. Mert Muldur (Turkey) – 32.4 km/h

22. Kevin Mbabu (Switzerland) – 32.4 km/h

21. Konrad Laimer (Austria) – 32.4 km/h

20. Patrik Schick (Czech Republic) – 32.4 km/h

19. Martin Hinteregger (Austria) – 32.4 km/h

18. Giovanni Di Lorenzo (Italy) – 32.6 km/h

17. Patrick van Aanholt (Netherlands) – 32.6 km/h

16. Rafa Silva (Portugal) – 32.8m km/h

15. Kyle Walker (England) – 32.8m km/h

14. Denzel Dumfries (Netherlands) – 32.8m km/h

13. Breel Embolo (Switzerland) – 32.8m km/h

12. Connor Roberts (Wales) – 32.8m km/h

11. Raheem Sterling (England) – 33.1m km/h

10. Tomas Kalas (Czech Republic) – 33.1m km/h

9. Marcos Llorente (Spain) – 33.3m km/h

8. Teemu Pukki (Finland) – 33.3m km/h

7. Josko Gvardiol (Croatia) – 33.3m km/h

6. Andreas Christensen (Denmark) – 33.3m km/h

5. Daniel James (Wales) – 33.5m km/h

4. Cody Gakpo (Netherlands) – 33.6m km/h

3. Kingsley Coman (France) – 33.7m km/h

2. Leonardo Spinazzola (Italy) – 33.8m km/h

1. Loic Nego (Hungary) – 33.8 km/h

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More