Lix Baxeysa Iyo Labo Imaaneysa – AxadleTM.net

Barcelona ayaa isku dayaysa inay sideed saxiixi dhameystirto bisha Janaayo marka uu furmo suuqa kala iibsiga, sida ay sheegayaan wararka.

Cudurka Korona Fayras ayaa dhaqaale darro ku sababay kooxaha waa weyn ee Yurub laakiin kooxda Catalans ayaa la filayaa inay mashquul noqon doonto bisha Janaayo.

Barcelona ayaa sidoo kale mashquul aheyd xagaagii iyagoo dhameystiray 14 heshiis. Sagaal ka mid ah waxay ahaayeen xiddigo ka tagay kooxda iyadoo albaabka la tusay Luis Suarez, Ivan Rakitic, Arturo Vidal, Arthur Melo, Rafinha, Nelson Semedo, Marc Cucurella, Carles Perez, iyo  Jean Claire Todibo.

Kooxda Catalans ayaa shan xiddig keensatay xagaagii oo kala ah Miralem Pjanic, Sergino Dest, Pedri, Matheus Fernandes iyo Francisco Trincao.

Waxaa xiiso leh in kooxda reer Spain ay 126.5 milyan euro ku heshay ciyaartoydii ay iibisay halka ay 119 milyan euro ku qarashgareysay xiddigaha ay soo iibsadeen, waxayna ka saameeyeen faa’ido ah 7.5 milyan euro.

Musaharka ay bixiso Barcelona ayaa ka mid ah kuwa ugu sareeya dunida, sidaasi darteed Barcelona waxay isku dayaysaa inay lix ciyaaryahan kooxda ka dirto bisha Janaayo.

Samuel Umtiti oo waayihiisa ciyaareed uu ku dhintay Barcelona ayaa ka mid ah xiddigaha baxaya, waxaana kula biiraya Junior Firpo, Martin Braithwaite iyo Matheus Fernandes. Xiddigaha da’da yar Riqui Puig iyo Carles Alena ayaa iyagana amaah lagu fasaxi doonaa inta ka dhiman xilli ciyaareedkan.

Si kastaba, waxay sidoo kale doonayaan inay ciyaartoy cusub keensadaan iyagoo dib u soo cusbooneysiinaya xiisahooda xiddiga Lyon Memphis Depay kaasoo doonaya inuu la midoobo Koeman.

Blaugrana waxay sidoo kale xiiseyneysaa daafaca Manchester City Eric Garcia kaasoo ku jira bilihii ugu danbeeyay ee qandaraaskiisa.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More