Lionel Messi Oo Iska Diiday In Argentina Isaga Ka Sugayso Koobab Uu U

Xiddiga reer Argentina ee Lionel Messi ayaa rumaysan in aanu xulka qarankiisu isaga aad  iskugu hallaynayn oo aanay ku tiirsanayn si uu ugu qaado koobab, laakiin ay joogaan ciyaartooyo kale oo ay si wada-jir ah u shaqaynayaan, isagoo tilmaamay in hadda ay ku socdaan jiho wanaagsan oo ay ku qaadi karaan tartanka Copa America.

Messi oo 15kii sannadood ee ugu dambeeyey ka mid ahaa ciyaartoyda ugu wanaagsan dunida, lix marna ku guuleystay abaal-marinta xiddiga sannadka ee Ballon d’Or, waxa uu kooxdiisa Barcelona u horseeday wax kasta oo suurtogal ahaa, laakiin xulka qarankiisa ayaa wali ka sugaya inuu markooda guulo ku hoggaamiyo.

Laacibkan ayay dadka qaarkood ku eedeeyaan in uu heerkiisu hooseeyo marka uu qarankiisa u ciyaarayo, isagoo waliba ah xiddiga ugu muhiimsan dalkaas ee laga sugayo guusha, laakiin Lionel Messi ayaa isagu dareensan in aan hadda la joogin waqtigii isaga uu qaranku ku tiirsanaan lahaa.

“Lama joogo waqtigii kooxda qaranku aniga igu tiirsanayd.” Ayuu yidhi Messi oo u warramayay wargeyska Ole, waxaanu raaciyey: “Mar walba waxa aanu isku daynaa in aanu haysano kooxda ugu xooggan. Mar walba waxa aanu sheegnaa, in haddii aanaan ahayn koox xooggan, in ay adkaan doonto in aanu guuleysano oo aanu gaadhno ujeeddadayada.

“Waxay ila tahay in aanu noqonay koox adag. Inta badan ciyaartoydu waqti dheer ayay soo wada shaqaynayeen, waxaanay hore usoo ciyaareen Copa America, sidaa darteed waxa aanu leenahay khibrad aanu hore ugu soo ciyaarnay. Wali tababarka ayaanu ku jirnaa, waxaananu ku taaganahay tubta habboon.”

Argentina ayaa waxay caawa la ciyaari doontaa Chile oo labadii sannadood ee 2015 iyo 2016 ay finalka iskugu yimaaddeen koobkana ka qaadday, iyadoo Lionel Messi na uu garoonka dhex taagnaa oo uu waxba ka qaban kari waayey.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More