“Labadii Ciyaartoy Ee Aan Ugu Jeclaa Ayaa Kasii Socda

Kabtanka kooxda kubadda cagta Barcelona ee Lionel Messi ayaa sheegay in laba ciyaartoy oo uu kubaddooda aad u jeclaa, inta badanna ku raaxaysan jiray kubadda kasii socdaan.

Javier Mascherano iyo Fernando Gago ayaa bishan gudaheeda ku dhawaaqay inay ka fadhiisteen kubadda cagta, waxaana warkoodu waran ku noqday Lionel Messi oo aanay dhegihiisu jeclaysanin in xiddigihii uu la ciyaaristooda ku farxi jiray ay hadda garoomada macasalaameeyeen.

Labadan ciyaartoy ee hore ayay khadka dhexe uga soo wada ciyaareen xulka qaranka Argentine, waxaase dheerayd in Javier Mascherano ay Barcelona ka wada tirsanaayeen muddadii u dhaxaysay 2010 illaa 2018.

Qoraal uu ku daabacay bartiisa bulshada ee Instagram ayuu Lionel Messi ku yidhi: “Laba qof oo aan jeclaa, waqti badanna lasoo qaatay ayaa ka tegaya kubadda cagta, waxaanan doonayaa inaan farriin u diro.

“Fer, waxaan rajaynayaa in wax waliba si wanaagsan kuugu socdeen. Waxaynu is naqaanay illaa markii ay da’deenu 17 jirka ahayd. Farxad ayay ii tahay inaan qolka lebbiska xulka qaranka kula wadaagay iyo inaan garabkaaga ka ciyaaray. Waad ogtahay taas. Waxaan rajaynayaa in wax waliba ay wanaagsanaayeen, isla markaana aad sii wadi karaysay in riyooyinkaagu kuu rumoobaan.

“Maxaan ku idhaahdaa, Mache. Sannado badan ayaynu wada joognay, maalin walba aynu is arkaynay, wax badanna wadaagaynay. Waxaynu wada qaadanay waqtiyo aad u farxad badnaa iyo kuwo adkaa Argentina iyo Barcelona intaba. Waanu ku tabnay tan iyo markii aad naga tagtay. Wanaag ayaan kuu rajaynayaa adiga iyo qoyskaagaba.”

Lionel Messi ayaa farriintan soo diray xilli uu xulka qarankiisa Argentina kala qayb-gelayo kulamada isreeb-reebka Koobka Adduunka ee 2022 lagu qaban doono Qatar, waxaanay Salaasada habeen dambe la ciyaari doonaan Peru.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More