Kooxda Ku Guuleysan Doonta Horyaalka Spain Ee LaLiga Oo La

Horyaalka waddanka Spain ee LaLiga ayaa loo saadaaliyey in aanay labada kooxood ee waaweyn ee Barcelona iyo Real Madrid midkoodna calfan doonin oo uu farahooda ka bixi doono.

Sida ay muujisay codbixin uu qaaday wargeyska Marca, akhristeyaal kumanyaal ah oo saadaashooda dhiibtay ayaa waxay intooda badani isku raaceen in Real Madrid aanay awood u yeelan doonin inay difaacato koobka ay xili ciyaareedkii hore ku guuleysatay, sidoo kalena ay Barcelona faro madhan la hoyan doonto xili ciyaareedkii labaad oo xidhiidh ah.

Atletico Madrid oo dibu-dhis fiican lagu sameeyey, isla markaana ka faa’iidaysatay kala-daadsanaanta Barcelona oo kasoo qaadatay Luis Suarez ayay saadaashu sheegtay inay horyaalka ku garaaci doonto Real Madrid iyo Barcelona.

Kooxda tababare Diego Simeone ayaan dhinaceeda dhulka la dhigin toddobadii ciyaarood ee ugu horreeyey fasal ciyaareedkan, waxaanay guuleysteen shan mar iyo laba  barbarro ah.

Atletico Madrid oo ay ugu dambaysay inay horyaalka ku guuleysato sannadkii 2014, ayay 42 boqolkiiba dadkii aftida ka qayb-galay isku raaceen inay tahay kooxda ugu cadcad ee xili ciyaareedkan hanan karta horyaalka LaLiga.

Real Madrid iyo Barcelona ayaa iyagana codbixiyeyaashu ay kala siiyeen fursadaha boqollayda ee ay ku kala guuleysan karayaan.

Kooxda horyaalka difaacanaysa ee Real Madrid ayay 24 boqolkiiba u codeeyeen inay horyaalka  ku guuleysan karayso, xataa iyadoo ay Valencia kusoo bahdishay 4-1 oo wali dakharradii niyad-jabku ka muuqdaan.

Laakiin Barcelona ayaa aftidan ka heshay 21 boqolkiiba oo ay u saadaaliyeen inay horyaalka hanan karto, iyadoo ay waliba xaqiiqo tahay inay ku jirto kaalinta 12aad ee miiska kala-sarraynta, isla markaana hal kulan oo kaliya guul ka heshay shantii ciyaarood ee ugu dambeeyey horyaalka LaLiga.

Si kastaba, Real Sociedad ayaa horyaalka LaLiga hoggaanka u haysa, waxaana haysataa 20 dhibcood oo ay ka heshay 9 ciyaarood oo ay dheeshay, waxaanay ku hamiyeysaa inay horyaalkeedii ugu horreeyey ku guuleysato tan iyo sannadihii 1980-meeyadii.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More