Kooxaha Ugu Qiimaha Sareeya Premier League Oo La Soo Saaray,

Liverpool ayaa ah kooxda ugu qiimaha badan Premier League iyadoo lagu qiimeeyay lacag ku dhow HAL BILYAN ginni.

Kooxda heysata horyaalka Premier League ayaa lagu qiimeeyay lacag gaareysa 979 milyan ginni sida ay qortay jariirada The Sun.

Waxay taasi ka dhigeysaa inay si ciriiri ah uga sarre maraan kooxda Manchester City iyo kooxaha kale ee soo ceyrsanaya.

Kooxda ugu qiimaha jaban waa West Brom oo lagu qiimeeyay lacag gaareysa kaliya 79 milyan ginni, waana lacag ka yar intii ay Man United ku qarashgareysay saxiixa Harry Maguire sannadkii 2019.

Liverpool ayaa ah kooxda ugu qiimaha badan Premier League iyadoo ay ka buuxaan xiddigo waa weyn oo qiimahooda uu aad u sareeyo.

Xiddigaha sida Sadio Mane, Mohamed Salah iyo Trent-Alexander-Arnold ayaa lagu qiimeynayaa in ka badan 100 milyan ginni.

Madaama ay xiddigo badan heystaan waxa uu qiimahooda gaaray 979 milyan ginni iyagoo 21 milyan ginni kaliya u jira bilyan.

Kooxda Pep Guardiola ayaa kaalinta labaad ku jirta iyadoo lagu qiimeynayo 944 milyan ginni, waxaana u sabab ah xiddigaha sida Kevin de Bruyne iyo Raheem Sterling.

Kaalinta seddexaad waxaa ku jirta Chelsea oo in ka badan 200 milyan ginni ka danbeysa Liverpool iyadoo lagu qiimeeyay 749 milyan ginni, Man United (£732m) iyo Tottenham (£680m) ayaa ku sii xiga.

Arsenal (£562m), Everton (£457m) iyo Leicester (£410m) ayaa ah kooxaha kale ee lagu qiimeeyay in ka badan 400 milyan ginni.

Sideed kooxood oo Premier League ka ciyaaraya haatan ayaa qiimahooda uu ka hooseeyaa 200 milyan ginni oo ay ku jiraan Southampton, Crystal Palace iyo Leeds United.

Laakiin kaliya hal koox ayuu qiimahooda ka hooseeyaa 100 milyan ginni waana kooxda West Brom.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More