Imaatinka Sancho Oo Madax Xanuun Ku Noqday Xiddig Man United Ah &

Kooxda Manchester United ayaa lagu soo warramayaa inay isku diyaarinayso inay iska iibiso weeraryahan Anthony Martial kaddib markii ay dhammaystirtay saxeexa Jadon Sancho oo Borussia Dortmund kaga yimid.

Weeraryahankaas ayaa ku fashilmay inuu la yimaado wixii laga filayay markii ay Man United kala wareegaysay AS Monaco sanadkii 2015, xilli ciyaareedkii hore ee 2020-21 ayaa ahaa mid gaar ahaan ugu madaw.

Kaddib wakhti adag oo uu kusoo qaatay waayihii Jose Mourinho ee kooxda, sidoo kale tababare Ole Gunnar Solskjaer ayaa u muuqda haatan mid uu ka dhammaaday samirkii uu Martial u hayay.

Solskjaer ayaa mudo dheer kusoo adkaysanayay in Martial uu noqon karo xiddig muhiim u ah Man United balse 25 sano jirka French-ka ah ayaan midaas kasoo dhalaalin.

Anthony ayaa xilli ciyaareedkii hore kaliya toddoba gool soo dhaliyay isaga oo booska dookha koowaad u waayay Edinson Cavani halka ay kooxdu doonayso saxeexa weeraryahan weyn xagaaga dambe marka uu heshiiska Cavani dhaco.

Wargeyska Daily Star ayaa sheegaya in Red Devils ay Martial ku qiimeeyaan 50 Milyan oo pound balse caqabadu ay noqon karto in ay u helaan koox ku aqbalaysa mushaharka 250,000 ee pound ah ee uu toddobaadkii qaato.

Martial ayaa xiiso ka helaya Tottenham oo iyaduna isku diyaarinaysa nolol ah la’aanta Harry Kane oo Manchester City doonayso.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More