Harry Kane Oo Iska Diidaya Inuu Dib Ugu Laabto Tababarka Tottenham &

Weeraryahanka xulka qaranka England ee Harry Kane ayaa la rumaysan yahay in aanu dib ugu laaban doonin tababarka kooxdiisa Tottenham marka uu soo dhamaysto fasaxa, taas beddelkeedana uu toos u tegi doono magaalada Manchester oo uu kaga biiri doono tababarka Man City.

Tababare Nuno Espirito Santo ayaa isku dayay inuu meesha ka saaro wararka isasoo taraya ee sheegaya in Harry Kane uu xagaagan ka tegayo Tottenham, laakiin hadalkiisa ayaa hadda waxba kama  jiraan laga soo qaadayaa.

Xiddigaha xulka qaranka England ee ay Harry Kane iska garab ciyaarayeen intii uu socday tartankii qaramada Yurub, ayaa waxay rumaysan yihiin in uu Kane ku qasbi doono kooxdiisa in ay iibiyaan inta aanu kusoo laabanin tababarka ee uu ku maqan yahay fasaxa, si aanu dib ugu laabanin garoonka tababarka Spurs.

Sida uu qoray wargeyska The Telegraph ee kasoo baxa UK, dhawr ciyaartoy oo ay xulka qaranka England u wada ciyaareen Kane, ayaa bannaanka keenay qish ay ka heleen laacibkan, taas oo ah inuu ka tegayo London bishan July oo uu toos uga mid noqon doono Manchester City.

Warka ayaa sheegay, in heshiis is-faham ah ay hore u wada gaadheen mulkiilaha ahna guddoomiyaha Tottenham ee Daniel Levy iyo Harry Kane, kaas oo ahaa in la dhegaysto dalabyada laga soo gudbiyo xagaagan, haddii ay noqdaan kuwo macquul ahna la iibiyo.

Harry Kane oo ay saddex sannadood ka hadhsan yihiin qandaraaska uu kula jiro Tottenham, waxay wararku tibaaxayaan in xaalkiisu ku dambayn doono sidii Gareth Bale oo kale oo sannadkii 2013kii ay iibsatay Real Madrid kaddib markii uu isagu ku qasbay, iskana diiday inuu kusoo laabto tababarka.

Si kastaba, Man City ayaa la rumaysan yahay in ay Tottenham u gudbisay dalab £100 milyan oo Gini ah toddobaadkii hore, balse ay Spurs soo diidday, iyadoo ku adkaysanaysa in aanay iibin doonin kabtankeeda amaba £150 milyan oo Gini ay miiska soo saarto City.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More