GO’AAN: Eden Hazard Oo Go’aankii La Sugayay Ka Gaarey Haddii Uu

Garabka weerar ee kooxda Real Madrid ee Eden Hazard ayaa la sheegayaa inuu su’aal aan meeshaba oolin ka dhigay wararka sheegaya inuu dib ugu laabanayo kooxdiisii hore ee Chelsea.

Mustaqbalka xiddiga ree Belgium ee Real Madrid ayaa ah mid cirka ku shareeran kaddib markii uu laba xilli ciyaareed oo ay dhaawacyo dishoodeen kusoo qaatay kooxda La Liga ka ciyaarta isaga oo ku fashilmay inuu gaadho heerkiisii Premier League.

Waxa ay warar xan ahi sheegayaan inuu kusoo laabanayo Chelsea oo uu hore toddoba sano ugu soo ciyaarayay isaga oo laba horyaal kula soo guuleystay mudadaas.

Wararkaas ayaa noqday kuwo cirka isku shareeray kaddib markii uu dhawaan wargeyska AS shaaca ka qaaday in Real Madrid ay Hazard u bandhigtay Chelsea isla markaana ay doonayso inay iska fasaxdo 30 sano jirkaas.

Warbixintaas ayaa sheegaysa in Los Blancos ay ogol yihiin inay kaliya 51 Milyan oo pound ku iibiyaan Hazard walow ay iyagu 89 Milyan oo pound kula wareegeen kaliya laba sano kahor.

Haddaba, haatan xaqiiqada ayaa ah in kaliya lacagta 51-ka Milyan ee pound ah ee Hazard aysan caqabad ku ahayn Chelsea balse uusan isagu dhinaciisa wax xiiso ah u qabin inuu hadda ku laabto Stamford Bridge.

Eden ayuu qorshahiisu yahay inuu u dagaalamo booskiisa kooxda isla markaana uu caddeeyo waxa uu yahay kaddib bilaabasho adag.

Hazard ayaa dhawaan sheegay inuu isha ku hayo la shaqaynta tababaraha cusub ee kooxdiisa ee Carlo Ancelotti kaas oo ka caawin kara inuu dib u helo ciyaartiisii.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More