Germany Oo Karbaashay Portugal, Dias Iyo Guerreiro Oo Caawiyey

Xulka Qaranka Germany ayaa guul weyn ka gaadhay Portugal oo goolal hadiyado ah bixiyey, waxaanay ku karbaasheen 4-2.

Laba gool oo difaaca Portugal iska dhaliyeen iyo laba ay ku dareen Kai Havertz iyo Robin Gosens ayaa Jarmalka siiyey guul weyn oo soo laabasho ah kaddib markii lagala hormaray gool uu waqti hore Cristiano Ronaldo u dhaliyey Portugal iyo midka labaad oo uu u saxeexay Diogo Jota.

Daqiiqaddii 15aad ayuu Cristiano Ronaldo hoggaanka u dhiibay waddankiisa Portugal, waxaanu helay kubbad uu goolka oo cidlo ah u hordhigay Diogo Jota, taas oo uu ku taabtay lugta bidix. Kubbad weerar rogaal-celis degdeg ahaa ayuu Bernardo Silva kasoo qaatay xerada ganaaxa kooxdiisa, waxaana badhtamaha garoonka markii uu marayay uu ka dul-qaaday difaaca Germany isagoo shafka u saaray Jota oo usii dhiibay Ronaldo iyadoo uu goolhaye Manuel Neuer u dhaafiyey, waxaanu Ronaldo sidaas ku saxeexay goolka koowaad ee dalkiisa.

Portugal ayay mar kaliya murugo usoo hoyatay, kaddib markii afar daqiiqadood gudahood ay laba gool iska dhaliyeen Ruben Dias iyo Raphael Guerreiro. Kubbad uu dhinaca bidix kasoo laaday Robin Gosens ayey isku cidhiidhyeen Kai Havertz iyo Ruben Dias, waxaanay lugta kaga dhacday difaaca reer Portugal oo goolkiisa ku leexiyey.

Goolka labaad ayaa waxa iska dhaliyey Guerreiro oo isku dayayey inuu joojiyo kubbad halis ahayd oo uu kasoo shaqeeyey Gosens, una dhiibay Muller oo isaguna usii raaciiyey Havertz oo xerada ganaaxa ku jiray, waxaana nasiib-darro soo dhex-galay Raphael Guerreiro oo si lama filaan ah iskaga dhaliiyey daqiiqaddii 39aad.

Qaybtii labaad ayuu xulka qaranka Jarmalku sii watay goolashiisa daadka ah, waxaana daqiiqaddii 51aad hoggaanka usii dheereeyey Kai Havertz oo kubbad uu kasoo shaqeeyey Thomas Muller ay u tagtay Robin Gosens oo isaguna goolka lugta u geliyey Kai Havertz oo goolka ku leexiyey, waxaanay sidaas ciyaartu ku noqotay 3-1.

Daqiiqaddii 60aad ayey Jarmalku la yimaaddeen gool afraad oo uu u dhaliyey Robin Gosens oo madax ku qabtay kubbad uu dhinaca midig kasoo qaaday Joshua Kimmich, waxaanay natiijadu noqotay 4-1.

Portugal ayaa gool la yimid daqiiqaddii 67aad, waxaana u saxeexay Diogo Jota oo lugta geliyey kubbad uu Cristiano Ronaldo kasoo celiyey laynka agtiisa iyadoo sii baxaysa.

Renato Sanchez oo beddel kusoo galay ayaa birta ka jaray kubbad halis ahayd, halka Jarmalka laga diiday gool ay dhaliyeen daqiiqaddii shanaad ee bilogii ciyaarta, kaas oo uu saxeexay Gosens.

GROUP-ka dhimashada ee F oo ay ku wada jiraan France, Germany, Portugal iyo Hungry ayaa waxa hoggaanka u qabtay France oo leh afar dhibcood, kaalinta labaadna waxa soo galay Jarmalka, halka Portugal uu saddexaad fadhiyo inkasta oo ay isku dhibco yihiin Jarmalka. Afraad ayuu ku jiraa waddanka Hungry oo hal dhibic haysta.

Portugal iyo France ayaa wada ciyaari doona kulanka ugu dambeeya hormadan, sidoo kalena Jarmalka ayay is heli doonaan Hungry, waxaanay natiijooyinka kulamadaasi noqon doonaan kuwa go’aamiya kooxaha kasoo gudbaya hormadan oo dhamaantood fursado haysta.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More