France Oo Barbarro La Galay Waddanka Ugu Liita Group-ka Dhimashada

Xulka qaranka Faransiiska ayaa barbarro la galay waddanka Hungry oo ay ku wada jiraan group-ka dhimashada ee F, waxaana kulan adag oo ay ku ciyaareen garoonka Puskas Arena ee magaalada Budapest ay ku kala baxeen 1-1.

Waddanka martida loo ahaa ee Hungary ayaa gool la hormaray dhamaadka qaybta hore, waxaana u dhaliyey oo orod kaga dheereeyey difaaca Faransiiska, kana soo galay dhinaca bidix ka hor intii aanu darbo xoog badan dhaafinin goolhaye Hugo Lloris.

Faransiiska oo inta badan kubadda cagta ku hayay, isla markaana lumiyey dhawr fursadood oo qaali ahaa ayaa qaybtii dambe si adag u dagaallamay, waxaanay goolka barbarraha xaqiijisteen daqiiqaddii 66aad, kaas oo ahaa kubbad uu dhinaca midig ee xerada ganaaxa dhexdeeda kasoo laaday Kylian Mbappe kaddibna difaaca Hungry ay iska-saari kari waayeen, isla markaana uu meel cidlo ah ka helay Antoine Griezmann oo shabaqa ku hubsaday.

Lucas Digne ayaa daqiiqaddii ugu dambaysay ku dhowaaday in uu gool labaad u dhaliyo xulka qarankiisa France, laakiin waxa si adag isku difaacay waddanka martida loo ahaa ee Hungry.

Ousmane Dembele oo beddel kusoo galay ayaa kubbad cajiib ahayd waxa uu kala soo galay dhinaca midig, waxaanu goysmo kusii sagootiyey difaacyahannada Hungry oo uu ugu daray orod dheeraynaya. Laacibkan ayaa kubadda ku liishaamay goolka isagoo dhaafiyey goolhaye Gulacsi, laakiin nasiib-darro waxay kubaddu kaga dhacday birta.

Antoine Griezmann ayaa isaguna ku dhowaaday inuu natiijadan wax ka beddelo oo uu gool labaad dhaliyo xilli ay sagaal daqiiqadood ka hadhsanaayeen dhamaadka ciyaarta, balse waxa kubaddaas gacmo adag ku tiigsaday Gulacsi.

Qaybtii hore ayaa uu wacdaro dhigay goolhaye Lugacsi oo laba kubbadood oo cajiib ahaa ka qabtay labada weeraryahan ee Karim Benzema iyo Antoine Griezmann, halka uu Kylian Mbappe madax ku qabtay kubbad goolka dhinac martay.

Goolka Hungary dhalisay, waxa uu ahaa hadiyad boos oo uu bixiyey difaaca reer France ee Pavard oo u ogolaaday Fiola inuu waddo kasoo dhigto dhinaca bidix, kubaddana uu si sahlan ugu garaaco Lloris.

Group D ayaa waxa hoggaanka u haya France oo haysta afar dhibcood horena uga soo badiyey Jarmalka, waxaana ku xiga Portugal oo xasuuq usoo geystay Hungry laakiin ay galabta isku muruxsanayaan Germany, waxaana haddii ay Portugal badiyaan ay u gudbi doonaan wareegga xiga ee 16ka.

Germany wali wax dhibco ah ma leh, waxaanu ku jiraa kaalinta ugu hoosaysa inkasta oo uu hal mar uun ciyaaray, halka Hungry ay saddexaad fadhido oo ay haysato hal dhibic.

Kulanka ugu dambeeya Group-kan waxa ku ballansan France iyo Portugal, waana ciyaar aad loo sugayo oo saamaynteeda leh, waxna ka beddeli karta sida uu u yaallo miiska kala sarraynta ee hormadan.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More