Fabinho Oo Laga Saaray Xulka Qaranka Brazil, Laacibka

Xiddiga Liverpool ee Fabinho ayaa laga saaray liiska ciyaartoyda xulka qaranka Brazil ee kulamada isreeb-reebka Koobka Adduunka ee Venezuela iyo Uruguay ee bisha dambe, waxaana lagu beddelay laacibka khadka dhexe uga ciyaara Everton ee Allan.

Fabinho ayaa la filayaa in ugu yaraan saddex kulan uu garoomada uga maqnaado dhaawac kasoo gaadhay kulankii Champions League ee Salaasadii ay kooxdiisu la ciyaartay FC Midtjylland, waxaana la saaray qaybtii hore.

Liverpool ayaa warbixin rasmi ah kasoo saari doonta xaaladdiisa Jimcaha oo uu kaga hadli doono shirkiisa jaraa’id ee ka hor kulanka West Ham United, balse waxa caddaan ah in ugu yaraan saddex ciyaarood aan lagu talo-geli doonin.

Laacibka reer Brazil ayuu dhaawaciisu dhibaato weyn ku noqday Jurgen Klopp oo ay hore uga sii maqnaayeen Virgil van Dijk oo inta ka dhiman xili ciyaareedkan maqnaaya, booskiisana uu sii buuxiyey Fabinho iyo Joel Matip oo isaguna seegaya ciyaarta Sabtida.

Salaasada soo socota oo Atalanta iyo Liverpool ay wada ciyaari doonaan kulan ka tirsan Champions League ayaa sidoo kale uu Fabinho maqnaan doonaa, waxaana ugu xigi doonta Manchester City oo iyadana shan maalmood kaddib ay ballansan yihiin balse Fabinho aan lagu xisaabtami doonin.

Kulanka Leicester City ee November 21 ayay wararka hordhaca ahi sheegayaan inuu soo laaban doono.

Dhinaca kale, tababaraha xulka qaranka Brazil ee Tite ayaa u jawaabay Jurgen Klopp oo hore walaac uga muujiyey haddii uu la socdo dhibaatada haysata Fabinho, isla markaana uu culays ku saarayo inuu ugu sii daro kulamada caalamiga ah.

Tite oo warbaahinta la hadlay ayaa yidhi: “Aniga iyo Klopp isku si ayaanu uga fikiraynaa, isku qiimo na wuu noo taagan yahay. Caafimaadka ciyaartoyda ayaa muhiim ah. Waa binu-aadam.”

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More