Eden Hazard Oo Shuruud Ku Xidhay Inuu Ka Tago Real Madrid: “Kuma

Xiddiga reer Belgium ee Eden Hazard ayaa shaaciyey shuruud uu ku xidhayo inuu ka tago kooxdiisa Real Madrid oo tan iyo 2019kii uu ka qornaa saxeex fashilmay.

Hazard ayaa la filayay inuu hoggaamiye ka noqdo Real Madrid markii uu Chelsea ugaga soo wareegay lacag ka badan 100 milyan oo Euro June 2019, laakiin dhaawacyo soo noqnoqday oo isku xigay ayaa carqaladeeyey labadii sannadood ee uu joogay Los Blancos.

30 jirkan oo waddankiisa Belgium kala qayb-gelaya tartanka Qaramada Yurub, beddelna kusoo galay kulankii ay Sabtidii 3-0 kaga badiyeen Ruushka ayaa tibaaxay, in aanu Real Madrid ka tegi doonin isagoo lagu darayo liiska ciyaartoyda fashilmay.

Hazard oo waraysi siinayay wargeyska Het Nieuwsblad ayaa yidhi: “Aniga naftayda ayuun baan ahaanayaa marka aan ku raaxaysanayo garoonka dhexdiisa. Taasi may dhicin labadii sannadood ee u dambeeyey ee aan joogay Madrid.

“Haddii uu ku gaadho hal ama laba dhaawac, waan hantaaqmaysaa, waxaad usoo kabanaysaa oo aad usoo laabanaysaa si xooggan, laakiin haddii ay dhaawacyadu noqdaan shan, lix ama toddoba, aad ayay u adag tahay maskax ahaan. Laakiin wali waan soconayaa.”

Mar la weydiiyey inuu ka tegayo Real Madrid oo uu dib ugu laabanayo kooxdiisii hore ee Chelsea, waxa uu ku jawaabay: “Hal ilbidhiqsina iguma soo dhicin in ay ii fiicnaan lahayd in aan tago.

“Kagama tegayo Real Madrid fashil. Kaliya waxa aan doonayaa inaan tuso in la ii sameeyey Real Madrid.

“Labadii sannadood ee u dambeeyey waxay ahaayeen kuwo adag, waxa aan joogay Madrid iyadooo aanay joogin reer Madrid, waad garanaysaan… waxa aanu garoonka ku ciyaaraynay taageereyaal la’aan, aniguna waxaan heshiiska saxeexay Bernabeu oo buuxa.”

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More