Dheemanka Real Madrid Ee La Filayay In Carlo Ancelotti Ku Dagaal Galo

Arsenal ayaa ah mid wali gudaha suuqan doonaysa saxeexa khadka dhexe ee Real Madrid ee Martin Odegaard iyadoo ay warar cusubi sheegayaan inuusan si fiican u sal dhigan da’yarkaasi caasimada Spain.

Odegaard ayaa ahaa mid qaab fiican soo muujiyay bilooyin uu amaah kusoo joogay Emirates Stadium xilli ciyaareedkii hore, tababare Mikel Arteta ayaa doonayay inuu sii dheereeyo wakhtigiisa kooxda balse ugu dambayn ayuu ku laabtay Madrid kaddib markii heshiiskiisu dhacay.

Laakiin sida uu sheegayo kanaalka Sky Sports, Gunners ayaan wali ka rajo dhigin saxeexa Martin isla markaana si weyn u dhuganaya xaaladiisa Real Madrid oo uu ugu laabtay inuu booskiisa uga dagaalamo shaxda tababare Carlo Ancelotti.

Wali waxa jira shaki ah fursada uu Odegaard ka heli doono shaxda koowaad ee Los Blancos waxaana ay Arsenal rajo ka qabtaa inay ka faa’idaysan doonto.

Dhinaca kale wargeyska Spanish-ka ah ee Cadena SER ayaa dhinaciisa sheegaya aragti lamid ah mida Sky Sports oo ah in 22 sano jirkaasi uusan sal dhiganin Madrid.

Warbixinta ayaa sheegaysa in Odegaard uusan ahayn mid si fiican ugu xidhan asxaabtiisa kale ee kooxda oo uu u muuqdo mid aan ku faraxsanayn isla markaana uu ka fikirayo dookhyada uu haysto ee kale.

 

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More