Ciyaaryahanadda Xulka Qaranka England Oo Wadne Xanuun Laga Baadhay Kaddib

Ciyaaryahanadda xulka qaranka England ayaa dhamaantood lagu sameeyey baadhitaan lagu hubinayo wadnahooda maalintii shalay kaddib markii uu Sabtidii wadne xanuun kusoo booday xiddiga reer Denmark ee Christian Eriksen oo garoonka dhexdiisa ku dhacay isagoo koomo ku jiray in muddo ah, laakiin waqti dambe kasoo baxay miyir la’aanta.

Xidhiidhka kubadda cagta Ingiriiska ayaa amar ku bixiyey in dhamaan ciyaartoyda lagu sameeyo baadhitaan kaddib markii ay soo dhamaatay ciyaartii ay shalay 1-0 kaga badiyeen Croatia.

FA waxa uu caddeeyey in ciyaaryahannada baadhitaanka wadnaha ay natiijadoodu noqon weydo inay taam yihiin, aan loo ogolaan doonin in ay ciyaaraan illaa inta ay taam ka noqonayaan.

Wargeyska The Sun ee kasoo baxa Ingiriiska ayaa waxa uu sheegay in go’aankan oo kale sannadkii hore uu soo saaray xidhiidhka kubadda Cagta England, dhamaan ciyaaryahannadana lagu sameeyey baadhitaanno wadnaha ah lagu sameeyey labadii sannadood ee ugu dambeeyey.

Warka ayaa intaa ku daray, in siyaasadda xidhiidhka kubadda cagta Ingiriiska ay ka mid noqonayaan in la sameeyo baadhitaano joogto ah oo ciyaartoyda lagu hubinayo taam ahaanshahooda dhinaca wadnaha.

Dhinaca kale, waqtiga ay soo baxayso natiijada baadhitaanka ciyaartoyda England ayaanay warbaahintu sheegin, sidoo kalena wax war ah lagama  hayo haddii ay jiraan xiddigo laga shakisan yahay taam ahaanshahooda.

Si kastaba, kubadda cagta ayuu sas badan ku abuurmay markii uu Christian Eriksen ku dhacay garoonka dhexdiisa, isla markiibana uu galay koomo, laakiin nasiib wanaag la helay mishiinka naqaska oo dhakhtarka garoonka maamula uu haystay, si uu ugula tacaalo haddii arrimo noocan ahi yimaaddaan, maadaama taageereyaal badan oo xaalado kala duwan ku jiri kara ay garoonka imanayaan.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More