Ciyaartoygii Labaad Ee Tottenham Ah Oo Maanta Weerar Ku Qaaday Jose

Ciyaaryahanadda Chelsea ayaa bilaabay in ay weeraraan tababarahoodii hore ee Jose Mourinho oo horraantii toddobaadkan shaqada laga caydhiyey, kaddib laba kulan oo xidhiidh ahaa oo ay kooxdu lumisay dhibco.

Gareth Bale ayaa kaddib guushii 2-1 ahayd ee ay Tottenham xalay ka gaadhay Southampton, waxa uu wax ka sheegay Jose Mourinho oo uu dhaliilo u jeediyey inkasta oo kooxdu caydhisay oo aanu hadda la joojin, laakiin waxa haddana raacay laacib kale oo bartiisa bulshada u adeegsaday weerar uu ku qaaday Mourinho.

Ryan Mason oo noqday tababaraha cusub ee Tottenham, si ku meelgaadh ahna xilka usii haynaya ayaa waxa kulankiisii ugu horreeyeyba illowsiiyey Jose Mourinho isagoo ku hagay guul.

Laakiin taasi ciyaartoyda kama joojin in ay ka daba tagaan macallinkoodii hore oo ay weerarro ku qaadaan Mourinho.

Gareth Bale oo xalay la hadlayay BBC Sports ayaa yidhi: “Waxaanu u baahanahay in kubadda aanu hore ku raacno, waxa aanu nahay koox weyn oo haysata ciyaartooyo wanaagsan, waxaananu u baahanahay in aanu in badan weerar ahaano, garoonkana ku sarrayno.”

Hadalkan oo loo turjumay in uu ku durayay Jose Mourinho oo kubaddiisu ahayd mid difaac ku dhisan, ayaa waxa kale oo isaguna aan gabbanin laacibka khadka dhexe ee uu Jose Mourinho ku illoobay kaydka ee Harry Winks.

Laacibkan ayaa 20 daqiiqadood dheelay kulankii xalay, waxaanay u ahayd markii labaad ee uu kasoo muuqdo 13kii ciyaarood ee ugu dambeeyey ee horyaalka Premier League.

Qoraal uu soo dhigay bartiisa Instagram ayuu Harry Winks ku yidhi: “Habeen weyn ayay u ahayd ciyaartoyda. Aad ayaan ugu faraxsanahay in aan anigu kusoo laabtay garoomada, waxa aan ugu jecelahayna waa in aan ciyaaro. Guushan waxa iska lahaa taageereyaasha. Ciyaar wanaagsan oo weerar ah ayaanu dheelnay Axaddii.”

Winks ayaa isaguna qaab dadban u weeraray falsafadda ciyaareed ee Jose Mourinho ee inta badan is difaaca ku dhisan.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More