Christian Eriksen Oo Laga Saaray Cusbitaalka Kaddib Qalliin Wadnaha

Xiddiga khadka dhexe ee reer Denmark ee Christian Eriksen ayaa laga soo saaray cusbitaal uu kujiray toddobaad oo loogu sameeyey qalliin wadnaha ah kaddib markii uu ku dhacay garoonka dhexdiisa kulankii Denmark iyo Finland.

Christian Eriksen ayaa lix maalmood ka hor wadne xanuun kusoo booday isagoo ciyaaraya, waxaana uu ku dhacay garoonka dhexdiisa isagoo koomo galay, waxaana muddo 13 daqiiqadood ah ku rakibnaa mishiinnada neefsiga isagoo garoonka dhexdiisa jiifa, kaddibna waxa loola cararay cusbitaalka, halkaas oo ay xaaladdiisu ku fiicnaatay.

Xidhiidhka kubadda cagta Denmark ayaa shaaciyey in Christian Eriksen uu soo booqnayo ciyaartoyda xulka qaranka oo uu u imanayo, isla markaana laga saaray cusbitaalka oo uu ku laabtay gurigiisa oo uu qoyskiisa dib ula midoobay.

War-saxaafadeed uu soo saaray FA-ga Denkar ayaa lagu yidhi: “Christian Eriksen waxa laagu sameeyey qalliin guuleystay, maanta ayaana laga saaray cusbitaalka Rigshospitalet.

“Maanta waxa  uu sidoo kale ku booqday ciyaartoyda xulka qaranka Helsingor, kaddibna waxa uu tegay gurigiisa oo uu waqti kula qaatay qoyskiisa.”

Eriksen ayaa la sheegay in wadnaha lagaga xidhay baytari garaaca wadnihiisa xoojiya, amaba istaadha haddii uu gaabis noqdo, laakiin lama sheegin in uu kubadda kusoo laaban doono iyo in kale.

Khubarada caafimaadka ee takhasuska ku ah wadnaha ayaa sheegaya in ay Christian Eriksen uga dhamaatay ciyaaraha oo aanu dib ugu soo laaban karin, balse illaa hadda ma jiro war rasmi ah oo laga soo saaray mustaqbalkiisa ciyaareed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More