Chelsea Oo Si Buuxda Ugu Fadhiisatay Kaalinta 4aad, West Ham Oo

Kooxda kubadda cagta Chelsea ayaa si buuxda ugu fadhiisatay kaalinta afraad  ee horyaalka Premier League, iyadoo iska reebtay West Ham United oo ay isku dhibco ahaayeen.

Chelsea ayaa guul dahabi ah kasoo gaadhay West Ham United oo ay marti ugu ahayd London Stadium, waxaanay guushu kusoo raacday 1-0, iyadoo goolka madiga ahna uu u dhaliyey weeraryahanka reer Germany ee Timo Werner oo muddo uu kaydka ku jiray kaddib isku muujiyey kulankii caawa.

Blues dhashan karaysay goolal kale oo badan, waxaana midkii ugu suurtogalsanaa lumiyey Werner oo kubbad uu soo tufay goolhaye Fabianski ku celiyey, balse goolka la seegay.

Mason Mount ayaa dhawr jeer faraha caseeyey goolhaye Fabianski oo uu kubbado kaga toogtay bannaanka, iyadoo dhamaadkiina hal ciyaartoy laga saaray West Ham oo ciyaarta ku dhamaysatay 10 laacib.

Chelsea ayaa yeelatay 58 dhibcood, kuna kaliyeysatay kaalinta afraad ee horyaalka Premier League, waxaanay saddex dhibcood ka sarraysaa West Ham oo shanaad ku jirta, halka Leicester City oo saddexaad fadhidana ay hal dhibic kaliya u jirto.

Shaxdii labada kooxood

CHELSEA (3-4-3): Edouard Mendy; Andreas Christensen, Thiago Silva, Antonio Rudiger; Cesar Azpilicueta (c), N’Golo Kante, Jorginho, Ben Chilwell; Mason Mount, Timo Werner, Christian Pulisic.

Kaydka: Reece James, Kai Havertz, Kepa Arrizabalaga, Kurt Zouma, Hakim Ziyech, Tammy Abraham, Billy Gilmour, Marcos Alonso, Callum Hudson-Odoi.

WEST HAM UNITED (3-4-1-2): Lukasz Fabianski; Issa Diop, Fabian Balbuena, Angelo Ogbonna; Vladimir Coufal, Mark Noble (c), Tomas Soucek, Ryan Fredericks; Pablo Fornals; Jesse Lingard, Jarrod Bowen.

Kaydka: Manuel Lanzini, Said Benrahma, Frederik Alves, Andriy Yarmolenko, Ben Johnson, Ademipo Odubeko, Darren Randolph, Conor Coventry, Nathan Trott.

Mason Mount ayaa isla markii ay ciyaartu bilabaantay, waxa uu kubbad la dhex-orday ciyaartoyda West Ham, waxaanu u dhiibay Timo Werner oo xerada ganaaxa kusii jiray, hase yeeshee kubadda oo uu goolka ku toogtay ayaa ka leexatay bartilmaameedkeedii.

Chelsea ayaa si aad ah ugu gacan sarraysay khadka dhexe iyadoo West Ham ay samaynaysay kubbado dhinacyada iyo dhexdaba ay kaga weeraraysay Blues, taas oo inta ugu badan ka imanaysay Jesse Lingard.

Daqiiqaddii 43aad ee ciyaarta ayay Chelsea qabatay hoggaanka ciyaarta, markaas oo kubbad uu Timo Werner khadka dhexe ka qaatay uu u dhiibtay Pulisic oo isaguna dhinaca bidix ugu sii tuuray Chilwell oo karoos kusoo dhex-tuuray xerada ganaaxa, waxaana kubaddu ay u timid Werner oo shabaqa ku hubsaday.

Werner ayaa qaybtii dambe fursad u helay in uu ciyaarta ka dhigo 2-0 kaddib markii uu helay kubbad goolhayaha kasoo booday oo uu kusoo toogtay Mount, laakiin Werner oo si degdeg ah iskugu dayey in uu shabaqa ugu hubsado ayaa goolka hormariyey kubadda.

Mason Mount oo samaynayay bandhig cajiib ah ayaa bannaanka mar kale kasoo toogtay kubbad uu faro-cididood goolhaye Fabianski kaga saaray goolkiisa.

Goolhaye Fabianski ayaa sidoo kale goolkiisa u diiday kubbad halis ahayd oo Timo Werner uu garabka midig kala soo galay, laad awood badanna lugta bidix ugu toogtay.

West Ham ayaa noqotay 10 ciyaartoy daqiiqaddii 82aad markaas oo Balbuena loo taagay kaadh cas oo toos ah oo looga soo daawaday VAR, kaddib qalad xun oo uu ku galay Ben Chilwell.

Ciyaarta ayaa kusoo dhamaatay 1-0 ay guushu ku raacday Chelsea.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More