Chelsea, Barcelona, Real Madrid, Liverpool Iyo 10ka Kooxood

Benfica ayaa noqotay kooxda lacagtii ugu badnayd ka samaysay iibinta ciyaartoydeeda, waxaana tobankii sannadood ee ugu dambeeyey xiddigihii ay iibisay kasoo gashay lacag gaadhaysa £1 bilyan oo Gini.

Kooxdan ayaa sannadihii ugu dambeeyey waxay soo saartay jiil da’yar oo dahabi ah, kuwaas oo ay kujiraan laacibiin ay kasoo iibsatay qaaradda Latin America balse ay markii dambe usii dirtay kooxaha waaweyn ee Serie A, Premier League iyo LaLiga.

Atletico Madrid ayaa kaalinta labaad kaga jirta liiska kooxaha faa’iidada badan ee dhaqaale ka sameeyey, waxaana ciyaartoyda ay iibiyeen ka mid ahaa Antoine Griezmann oo £107 milyan oo Gini ay Barcelona ku qaadatay, £32 milyan ay Chelsea ku iibsatay iyo Ramadel Falcao oo £51 milyan oo Gini ay ku fasaxeen.

Atletico oo sannadihii ugu dambeeyey ahayd koox cudud dhaqaale ah oo awood u yeelatay inay la tartami karto naadiyadii horyaalka LaLiga iska lahaa ee Real Madrid iyo Barcelona, ayaa waxay tobankii sannadood ee ugu dambeeyey ka heshay iibka ciyaartoyda lacag dhan £953 milyan oo Gini.

Kooxda Talyaaniga ah ee Juventus oo £900 milyan ka samaysay ciyaartooyo ay iibisay, ayaa waxay soo saartay 582 ciyaartoy oo kulliyaddeeda kasoo baxay oo ay usii kala dirtay Talyaaniga iyo dunida kaleba, halka ay lasoo saxeexatay 591 ciyaartoy, kuwaas oo taariikhda kooxda guulo badan soo gaadhsiiyey boqolkii sannadood ee ugu dambeeyey.

Paul Pogba oo ay £89 milyan kaga iibiyeen sannadkii 2016, waxa u raaca Leonardo Bonucci oo ay £37 milyan oo Gini ka siiyeen AC Milan haddana ay dib ula soo saxeexdeen, Arturo Vidal oo ay £35 milyan ku iibiyeen iyo Moise Keane oo £24 milyan oo Gini ay ka heleen.

Wargeyska The Sun oo soo ururiyey liiska tobanka kooxood ee lacagta ugu badan ka sameeyey iibka ciyaartoyga laga soo bilaabo xili ciyaareedkii 2009-10 illaa hadda ayaa waxay kaalinta afraad soo gashay Chelsea oo lacagta ay wax kusoo iibsatay ka badan tahay inta ay ka heshay ciyaartooyo ay xaraashtay.

Halkan kaga bogo 10ka kooxood ee lacagta ugu badan ka helay iibka ciyaartoyda:

#1 – Benfica – £1 bilyan

#2 – Atletico Madrid – £953 milyan

#3 – Juventus – £900 milyan

#4 – Chelsea – £886 milyan

#5 – Monaco – £868 milyan

#6 – Barcelona – £862 milyan

#7 – Real Madrid – £823 milyan

8 – Roma – £788 milyan

#9 – Porto – £785 milyan

#10 – Liverpool – £730 milyan

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More