CAJIIB: Waxa Uu Markasta Cristiano Ronaldo Ku Dhex

Goolhayaha kooxda Juventus ee Carlo Pinsoglio ayaa shaaca ka qaaday sida uu Cristiano Ronaldo ugu fiican yahay dhalinta laadadka xorta ah marka ay kooxdu tababarka samaynayso walow uu muddooyinkan ugu dambeeyay ku liito inuu dhaliyo marka ay kulamadu socdaan.

Xaqiiqada ah inuu dhaliyo dhammaan amaba inta badan laadadka xorta ah ee uu ku tuuro tababarka ayaa ah mid madax xanuun ku ridaysa marka ay noqoto bedelka uu kulamada dhexdooda ka helo.

Kabtanka Portugal ayaa markale isku muujiyay heerarka ugu waaweyn kubadda cagta Yurub kaddib markii uu 95 gool ugu soo dhaliyay Juventus 123 kulan oo uu tartamada oo dhan u ciyaaray mudada uu joogay.

Si kastaba, goolashiisaas ayaanay ku badnayn laadadka xorta ahi isaga oo sanadihii ugu dambeeyay ahaa mid ku dhiban inuu dhaafiyo darbiga ciyaaryahanada ah ee hortaagan.

Sida uu sheegay xog ururiyaha kubadda cagta ee Opta, Ronaldo ayaa 72 darbo oo laad oo xor ah tuuray mudada uu Bianconeri u ciyaarayay waxaana uu soo dhaliyay kaliya hal mid.

Laadkaas xorta ah ee kaliya ayaa ahaa mid uu bishii July ee sanadkii hore Ronaldo ka dhaliyay kulankii Derby-ga ahaa ee ay Torino la ciyaareen waxaana uu ahaa isku daygiisii 43-aad.

Goolhaye Carlo Pinsoglio oo ka warramaya in xaaladu sidaas ka duwan tahay marka tababarka la joogo ayaa yidhi “Marka tababarka la joogo dhammaantood way dhashaan”

“Maxay tahay sababta uusan isagu u dhalinin kulamada dhexdooda?, ma garanayo, sida iska cad kulanku wuu ka duwan yahay tababarka laakiin ma garanayo, malaha waa nasiib darro”

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More