Wasiir Dubbe: “Qaxootiga kunool Dhadhaab & Kaakuma waxa

Wasiirka Warfaafinta Xukuumadda Xil-gaarsiinta Soomaaliya Cismaan Abuukar Dubbe oo la hadlay BBC-da ayaa wax lala yaabo ku tilmaamay dalalka Wasaaradda Arrimaha Gudaha Kenya ay u gudbisay Hay’adda Qaxootiga u qaabilsan Qaramada Midoobay UNHCR ee la xiriira in labo todobaad (14) ku xirto Xeryaha Dhadhaab & kaakuma.

Waa hoyga ugu badan ee Qaxootiga Soomaalida & Ajaanibta kale oo ay qayb ka yihiin kuwa kasoo jeeda Koofurta Suudaan oo xaaladda Dalka awgeed naftu u maciin bidday in ay isaga tagaan Dalkooda si ay gabbaan ugu noqdaan Xeryaha UNHCR ku heysto soogalootiga kala dhalashada duwan.

Wasiirka Warfaafinta Soomaaliya ayaa Xukuumadda Nairobi ku eedeeyay in ay siyaasadeyneyso arrimaha Qaxootiga kadib markii waji-gabax kala kulantay Maxkamadda Cadaaladda Caalamiga ah ee ICJ oo kiiska dacwadda ay isaga baxday 11-kii Maarso 2021 in ay ka qaybgasho.

“In labo todobaad loo qabto soogalootiga intaas la eg ee kunool Xeryaha waxa ay nagu noqotay fajac, waxaa ku jira dadka qaar oo baahiyo gaar ah qaba (Lixaadkooda aan dhammeystirneen) mana ahan in Kenya siyaasadeyso dacwadda Badda, maadaama Dhadhaab & Kaakuma ay kunool yihiin qaxooti aad u badan” Sidaasi waxaa yiri Wasiir Dubbe.

Waa uu sii hadlay Wasiir Cismaan Abuukar Dubbe waxaana uu sheegay in aysan habbooneen haddii Kenya ay ku guuldareysatay arrimaha siyaasadda in ay u weeciso oo gabbaan ka dhigato xeryaha soogalootiga oo ah muujinaya dhibaatooyinka dadkaas ay qabaan.

Waxaase uu difaacay in ay ku joogaan xeerka caalamiga ah ee Geneva soona baxay 1951-dii oo dhigayay in aan la qasbi karin soogalootiga isla markaana lagu tixgeliyo in uu hoy helo si aan dib loogu celin dhibaatooyinka uu kasoo baxsaday.

“Qaxootiga Soomaaliyeed waxa uu Xeryaha Dhadhaab & kaakuma ku joogaa xeer lambar 1951 oo kasoo baxay shirkii ka dhacay Geneva oo dhigayay in aan la qasbin magangalyo doonka, qofka wuu dalban karaa in dalkiisa dib loogu celiyo haddii uu u arko in isbadal uu ku yimid sababtii keentay in uu naftiisa la baxsado balse in la qasba waa wax ka reeban” ayuu yiri Wasiir Dubbe.

24-kii Maarso 2021, Wasiirka Arrimaha Gudaha Kenya CS Fred Matiang’i ayaa soo soosaaray warqad uu u diray Hay’adda UNHCR in mudo 14-Cishe ku xirto xeryaha soogalootiga ee Dhadhaab iyo Kakuma, taasi waxa ay filanwaa ku noqotay Dadka xeryahaas kunool sida qaarkood ay sheegeen.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More