Arsenal Oo Xiddig Weyn Laga Dirayo, Barca Oo Waxaan La Arag Ku

Ma jiro wax horumar ah oo laga sameeyay heshiiska uu Saul Niguez ugu wareegayay Barcelona, wakiilka 26 sano jirkaas ayaa la xidhiidhay kooxo kale oo ay kamid yihiin Manchester United iyo Liverpool. (AS – in Spanish)

Arsenal ayaa rajaynaysa bixinta lacagta 34-ka Milyan ee pound ah ee ay Sassuolo ku doonayso 23 sano jirka khadka dhexe ee Manuel Locatelli. (Fabrizio Romano via Sun)

Chelsea ayaa waxkasta u samaynaysa sidii ay ku heli lahayd weeraryahanka Borussia Dortmund ee Erling Haaland walow ay hoosayso fursada ay ciyaaryahan iyo lacag wada socda ugu qancin karto kooxdiisa. (Sky Germany – in German)

Chelsea ayaa sidoo kale heshiis ciyaaryahano is-dhaafsi ah dhigeeda Bayern Munich ugu bandhigtay Callum Hudson-Odoi oo ay ka doonayaan Kingsley Coman. (L’Equipe – in French)

Arsenal ayaa gashay tartanka daafaca midig ee kooxda Norwich ee Max Aarons oo 21 sano jir ah oo sidoo kale Bayern Munich lala xidhiidhinayo. Gunners ayaa raadinaya bedelka Hector Bellerin oo 26 sano jir ah. (Express)

Everton ayaa ku dhaw saxeexa Andros Townsend oo qaab bilaash ah kaga tagay Crystal Palace isla markaana noqon kara saxeexa koowaad ee Rafa Benitez, Toffees ayaa sidoo kale qarka u saaran Demarai Gray oo ay Bayer Leverkusen kala soo wareegayaan. (Mirror)

Everton iyo West Ham United ayaa ku tartamaya saxeexa daafaca dhexe ee Barcelona ee Clement Lenglet oo 26 sano jir ah. (AS – in Spanish)

Juventus ayay tahay inay bixiso 43 Milyan oo pound haddiiba ay doonayso Gabriel Jesus, weeraryahanka Man City oo heshiiskiisa laba sano ka hadheen ayay Juve ka dhigatay mid kamida bar-tilmaameedyadeeda ugu sarreeya. (Calciomercato – in Italian)

Juventus ayaa sidoo kale tixgelinaysa suurogalnimada ay qaab amaah ah PSG ugaga soo qaadan karto Leandro Paredes si ay ugu daboosho booska Arthur Melo oo dhaawacan. (La Repubblica via Football Italia)

Barcelona ayaa xiisaynaysa inay heshiis amaah ah oo ay kaddib si rasmi ah ugu iibsanayso ku doonayso khadka dhexe ee kooxda Lille iyo xulka Portugal ee Renato Sanches, 23 sano jirkaas ayaa 30 Milyan oo pound ku qiimaysan balse maaha qiime ay hadda awoodo Barca. (AS – in Spanish)

Barca ayay sidoo kale macquul tahay inay waajibaadka kooxda koowaadba ka fadhiisiso Philippe Coutinho haddii ay iibin kari waydo, Coutinho ayaa 10 kulan u jira inuu gaadho tiradii kulamada ahayd ee ay Liverpool ku heshiiyeen in 17 Milyan oo pound oo dheeraad ah laga bixiyo haddii uu gaadho. (AS – in Spanish)

Brighton ayaa isku dayi doonta haddiiba ay la saxeexan karto weeraryahanka kooxda Celtic ee Odsonne Edouard oo 23 sano jir ah. (Express)

Brighton ayaa sidoo kale xiisaynaysa weeraryahanka Barcelona ee Martin Braithwaite oo sidoo kale lala xidhiidhinayo West Ham iyo Wolves.(Sport – in Spanish)

Cristiano Ronaldo ayaa qoraal ah “Maalinta go’aanka” kusoo qoray bartiisa Instagram xilli wargeyska L’Equipe uu sheegay in heshiiska ay Juventus kaga doonayso PSG weeraryahan Mauro Icardi uu ku xidhan yahay mustaqbalka Ronaldo. (AS – in Spanish)

Manchester United ayaa ah dhinaca xiisaha u qaba saxeexa daafaca midig ee Kieran Trippier iyadoo dhinaca kale oo ah kooxdiisa Atletico Madrid ay doonayso inay haysato. (AS – in Spanish)

Manchester United tababaraheeda Ole Gunnar Solskjaer ayaa sheegay in Jesse Lingard oo isasoo muujiyay wakhtigii uu amaahda kula joogay West Ham uu haatan qorshihiisa ku jiro. (Manchester Evening News)

Arsenal ayaa doonaysa inay iibiso weeraryahan Alexandre Lacazette si ay lacagta ay suuqa xagaagan ku galayso kor ugu qaado. (Mirror)

Inter Milan ayaa doonaysa saxeexa daafaca midig ee kooxda PSV ee Denzel Dumfries balse kaliya qaab amaah ah kula saxeexan karta. (Calciomercato – in Italian)

Bayern Munich ayaa xiisaynaysa inay khadka dhexe ee ree France ee Corentin Tolisso 17.1 Milyan pound ku iibiso xagaagan, 26 sano jirkaas oo Juventus iyo Napoli lala xidhiidhinayo ayuu heshiiskiisa hal sano ka hadhay. (L’Equipe via Get French Football News)

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More