Puntland oo markale digniin culus u dirtay ganacsatada – Caa…

Garoowe (Axadle) – Wasiirka maaliyadda ee dowlad goboleedka Soomaaliyeed ee Puntland, Xasan Shire Abgaal oo wariyeyaasha kula hadlay Garoowe ayaa markale digniin culus u diray ganacsatada ku dhaqan deegaanada maamulkaasi.

- Advertisement -

Wasiirka ayaa shaaciyey inay waajib ku tahay ganacsatada inay bixiyaan lacagaha canshuuraha ee laga rabo, wuxuuna digniin u diray shaqsiyaadka ka dhega adeegaya.

Xasan Shir Abgaal ayaa sidoo kale tilmaamay inay mas’uuliyad darro weyn tahay inay ganacsatadu bixin waayaan lagacaha canshuuraha oo wax loogu qabanayo bulshada.

Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray in haatan wixii ka dambeeya ay ka maamul ahaan tallaabo adag ka qaadi doonaan cid kasta oo diida bixinta canshuurta Puntland.

“Waa ceeb in dad wax ku soo bartay canshuur dalka in maanta hantidooda ay ka bixin waayaaan canshuurta lagu leeyahay, waa qasab in qofka diida arrintaan tallaabo laga qaado” ayuu yiri wasiirka Mmaliyadda dowlad goboleedka Puntland Xasan Shire Abgaal.

Ugu dambeyn wasiirka ayaa hoosta ka xariiqay in bixinta canshuurta ay muhiim u tahay bulshada qeybaheeda iyo maamulka, isla-markaana wax looga qabanayo  arrimaha amniga, caafimaadka, waxbarashada iyo sidoo kale dhismaha wadooyinka intaba.

Puntland ayaa marar kala duwan soo saartay digniino ku socda ganacsatada, gaar ahaan kuwa aan bixin lacagaha canshuuraha ee lagu leeyahay, waxaana maamulka uu shaaca ka qaaday inay qaadi doonaan tallaabooyin sharci ah  oo wax looga qabanayo dadkaasi.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More