Argentina Oo Ilbidhiqsigii Ugu Dambeeyey La Niyad-jabiyey, Neymar Oo

Xulka qaranka Argentina ayaa niayd-jab la kulmay daqiiqadihii ugu dambeeyey ee kulankii isreeb-reebka Koobka Adduunka 2022 ee ay xalay la ciyaareen Colombia, kaas oo ay iska lumiyeen guul gacanta ugu jirtay.

Argentina ayaa shabaqa soo taabatay daqiiqaddii saddexaad ee bilowga ciyaarta, shan daqiiqadood  kaddibna gool labaad ayay ku dareen iyadoo ciyaartuna ahayd 2-0 illaa laga soo gaadhayey qaybtii dambe xilli ciyaarta ka hadhsanaayeen 29 daqiiqadood oo kaliya.

Difaaca kooxda Manchester United ay sida weyn u raadinayso ee Cristian Romero ayaa daqiiqaddii saddexaad ee bilowga ciyaarta waxa uu hoggaanka u dhiibay waddankiisa Argentina kaddib markii uu shabaqa ku hubsaday kubbad uu ka helay Rodrigo De Paul oo isaguna ku jira ciyaartoyda ay naadiyada waaweyn ee Yurub ku dagaallamayaan.

Xiddiga khadka dhexe ee Leandro Daniel Paredes ayaa goolka labaad u dhaliyey Argentina daqiiqaddii siddeedaad, waxaanay kharaasiyeen fursado badan oo kale.

Xulka qaranka Argenitna oo uu kabtan u ahaa Lionel Messi oo ciyaarta aan lahayn caawin iyo gool midna ayaa khatar badan ku hayay goolka Colombia hase yeeshee ma awoodin in uu shabaqa soo taabto hoggaankana usii dheereeyo waddankiisa.

Colombia oo u muuqatay in waqti horeba laga badiyey ayaa soo noolaatay qaybtii dambe, waxaana daqiiqaddii 61aad loo dhigay rikoodhe uu gool u beddelay Luis Muriel. 

Goolkan ayaa niyad-dhis u noqday Colombia waxaanay aamineen in ay goolka kale oo barbarro ah keeni karayaan, taas oo u hirgashay ilbidhiqsiyadii ugu dambeeyey ee waqtigii dheeraadka ahaa ee ciyaarta lagu daray.

Kubbad  uu kasoo shaqeeyey Cuadrado ayaa waxa goolka Argentina dhex-dhigay Miguel Borja daqiiqaddii 94aad xilli uu garsooruhu isku diyaarinayey inuu yeedhiyo siidhiga dhamaadka, sidaas ayaanay ciyaartu ugu soo dhamaatay 2-2.

Dhinaca kale, Brazil ayaa 2-0 ku garaacday xulka qaranka Paraguay oo ay marti u ahaayeen, waxaana goolasha u kala dhaliyey Neymar iyo Lucas Paqueta.

Natiijooyinka kulamadii isreeb-reebka Koobka Adduunka ee Latin America

Colombia 2-2 Argentina

Ecuador 1-2 Peru

Paraguay 0-2 Brazil

Venezuela 0-0 Uruguay

Chile 1-1 Bolivia

Sidee loo kala sarreeyaa dhibco ahaan?

1. Brazil – 18 dhibcood

2. Argentina – 12 dhibcood

3. Ecuador – 9 dhibcood

4. Uruguay – 8 dhibcood

5. Colombia – 8 dhibcood

6. Paraguay – 7 dhibcood

7. Chile – 6 dhibcood

8. Bolivia – 5 dhibcood

9. Venezuela – 4 dhibcood

10. Peru – 4 dhibcood

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More