Premier League Oo Ganaax Ku Ridaya Kooxaha Man United, Man

Lixda kooxood ee waaweyn ee horyaalka Premier League ee Manchester United, Manchester City, Liverpool, Arsenal, Chelsea and Tottenham  ayaa lagu ridayaa ganaax iyo ciqaab sabab la xidhiidha qaybtii ay ka ahaayeen tartankii fashilmay ee European Super League.

Manchester United, Manchester City, Liverpool, Arsenal, Chelsea and Tottenham ayaa waxay samaynta European Super League ku ehelinayay Real Madrid, Barcelona, Atletico Madrid, Inter Milan, AC Milan iyo Juventus, laakiin waxay iskaga baxay qorshahaas sagaal kooxood halka saddexda naadi ee Real, Barca iyo Juve ay wali kusii adkaysanayaan inay ku jiraan.

Kooxaha Ingiriiska ayaa si degdeg ah uga laabtay qorshahaas markii ay mudaharaadyo kala kulmeen taageereyaashooda, sidoo kalena ay dawladda iyo warbaahintuba weerarro ku qaadeen.

Bishii April ayaa u ahayd mid madow oo ay mugdi galeen mulkiileyaasha kooxahani, waxaana garoomada hortooda iskugu soo baxay taageereyaal albaabada xidhay oo dalbanayay in ay iska tagaan mulkiileyaashu, kooxahanna ay iibiyaan.

Manchester United ayaa ugu sii darnayd oo jamaahiirteedu ay albaabada Old Trafford qasab ku galeen, isla markaana ay baajiyeen ciyaartii Man United ay garoonkaas kula ballansanayd Liverpool oo maalin dambe la ciyaaray.

Sida uu qoray wargeyska Daily Mail, Premier League ayaa soo saaraya ganaax uu ku ridayo kooxahan, laakiin xaaladda halista ah ee in dhibco laga jaro ayaan ku jiri doonin meesha, iyadoo kaliya ganaaxyo lacageed lagu soo rogayo.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More