Wararkii ugu dambeeyay ee ingiriisiga Muqdisho – Axadle

Muqdisho (Axadle) – Macluumaad dheeraad ah ayaa laga helayaa shilalka ka dhashay qarax miino oo maanta ka dhacay qeybo ka mid ah degmada Kaxda ee gobolka Banaadir, kaasoo sababay dhimasho iyo dhaawac.

Qaraxan oo laga maqlay inta badan xaafadaha Degmooyinka Wadajir iyo Dharkeenley ayaa lala eegtay gaari Land Cruiser ah oo marayay Kaxda.

Qaraxa ayaa waxaa ku dhintay ugu yaraan 3 qof mid kalena waa ku dhaawacmay oo la socday gaari.

Ciidamada amaanka Soomaaliya ayaa goobta soo gaaray dhacdada kadib waxaana ay sameeyeen baaritaano kooban.

Bartilmaameedka qaraxa ma cadda mana jiraan wax faahfaahin ah oo ay saraakiisha amniga ka bixiyeen dhibbanayaasha.

Sikastaba, qaraxan ayaa qeyb ka ah falal amniga lidi ku ah oo maalmihii ugu dambeeyay ka dhacayay Caasimadda Muqdisho, sida dilal iyo qaraxyo.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More