Skip to content
Friday, October 9, 2026 26 Rabi al-Thani 1448 AH Dhuhr 11:45
Muqdisho 30°C
Breaking: U.S. Doctor Says Pike Could Face Execution After Recovering
Breaking News
Axadle
Axadle Newsroom Somalia English

Wararkii ugu dambeeyay ee ingiriisiga Muqdisho – Axadle

Follow
Newsroom published Updated 5 years ago 1-minute read
Dhageyso Qodobada AI Narration • ~1 min audio

Muqdisho (Axadle) – Macluumaad dheeraad ah ayaa laga helayaa shilalka ka dhashay qarax miino oo maanta ka dhacay qeybo ka mid ah degmada Kaxda ee gobolka Banaadir, kaasoo sababay dhimasho iyo dhaawac.

- Advertisement -

Qaraxan oo laga maqlay inta badan xaafadaha Degmooyinka Wadajir iyo Dharkeenley ayaa lala eegtay gaari Land Cruiser ah oo marayay Kaxda.

Qaraxa ayaa waxaa ku dhintay ugu yaraan 3 qof mid kalena waa ku dhaawacmay oo la socday gaari.

Ciidamada amaanka Soomaaliya ayaa goobta soo gaaray dhacdada kadib waxaana ay sameeyeen baaritaano kooban.

Bartilmaameedka qaraxa ma cadda mana jiraan wax faahfaahin ah oo ay saraakiisha amniga ka bixiyeen dhibbanayaasha.

Sikastaba, qaraxan ayaa qeyb ka ah falal amniga lidi ku ah oo maalmihii ugu dambeeyay ka dhacayay Caasimadda Muqdisho, sida dilal iyo qaraxyo.

How do you rate this story?

0 votes