Sidee ayay u socotaa howsha lagu dhaqangelinayo Jadwalka

Dhaq-dhaqaaq iyo diyaargarow sidaas u weyn kama socda magaalooyinka maamul Goboleedyada & Gobolka Banaadir oo xarun u ah DFS, si loo magacaabo xubnaha Guddiga farsamo ee Doorashada 20/21.

1-dii bishaan Oktoobar, Madxda DFS & Dowlad Goboleedyada ayaa ku heshiiyay in la dhiso Guddi Farsamo oo labada dhinac ah si uu u dhaqangelinayo Jadwalka doorashada 20/21 lagu hagayo.

Magacaabista Guddiga ayaa ku taariikheysan inta u dhaxeyso 10-ka bishaan oo ku beegan Sabtida bilawga todobaadka soo socda ilaa 20-ka Oktoobar, si Guddigu uu u bilaabo waajibaadka laga doonayo.

Heshiiska waxaa lagu soo bandhigay shuruudaha laga doonayo qofka kamid noqonaya xubnaha Guddiga heer Federaal iyo heer Dowlad Goboleed oo tallaabada koowaad u ah u dhaqaaqista doorashada Soomaaliya.

Hogaamiyayaasha maamul Goboleedyada ayaa xubnaha Guddigooda soo gudbinaya si la isugu keeno hal meel oo ay isaga dhex doortaan Guddoomiye, ku xigeen iyo Xoghaye kahor inta aysan guda-gelin howlaha horyaalla.

20-ka ilaa 30-ka bishaan Oktoobar xubnaha Guddiga waxaa u qoran in ay qaataan tababar ku saabsan sida ay u gudanayaan shaqadooda, waxyaabaha laga doonayo in ay ku dhaqaaqaan & dhaqangelinta jadwalka.

Haddii howsha ay u dhacdo sida loo qorsheeyay, waxaa Guddiga farsamo laga doonayaa in uu xareeyo Ergooyinka Beelaha muddo u dhaxeysa 1-da ilaa 30-Nofeember, waxaa intaas u dheer Hubinta Ergada oo ay la kaashanayaan Madax dhaqameedyada, Diyaarinta Goobaha Cod bixinta & shuruudaha ay doonayaan in lagu wado howsha doorashada sida diiwaangelinta Xildhibaannada iyo Senatarada.

Labadaas tijaabo haddii lagu guuleysto waxaa 1-da ilaa 10-ka Deseembar la qabanayaa doorashada Senatarada Aqalka sare oo ka shaqo fudud golaha shacabka, maadaama labo xubnood oo ay soo xulayaan DG midkood loo codeynayo.

Imtixaanka ugu adag ee Doorashada waa tan Golaha Shacabka BFS oo kursigiiba codeyntiisu leedahay 101-Ergo beeleed, waana meesha ugu dambeyso howl shaqeydka Guddigaan, haddii la siiyo kaararka aqoonsiga iyaga ayaa la wareegaya howsha oo iska dhex dooranaya Guddoomiyaha ugu da’da weyn, guddiga doorashada guddoonka.

Guddoonka cusub ayaa dooranaya Guddi cusub oo qabta doorashada Hogaamiyaha 10-aad ee Soomaaliya.

Haddaba Aqriste, ma isleedahay jadwalka Doorashada 20/21 waxa uu u hirgelayaa sida loo diyaariyay?

Maxaa lagaaga baahan yahay haddii aad rabto in aad kamid noqoto xubnaha Guddiga Doorashada DFS & DG 20/21?

Maxaa shuruud ah oo laga doonayaa Ergada, Musharaxa Xildhibaanka & Senatarka BFS?

Axadle

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More