Diyaaradaha ka shaqeeyaha Gudaha Dalka oo shaqo joojin

Ilo xog ogaal ah ayaa Axadle u xaqiijiyay in diyaaradaha duullimaadyada gudaha dalka ka sameeya in ay saakay joojiyeen duullimaadyada maalinlaha ah ee ay ku kala tagaan Gobollada dalka.

Shirkadaha ayaa ka carooday kadib markii shaqo joojin lagu sameeyay mid kamid ah Shirkadahooda Nabadsugidda ka joojisay shaqada, waxaana lagu guuldareystay in xal laga gaaro arrintaas.

Buuq ayaa hareeyay in howlaha Duullimaadka Garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde ee Magaalada Muqdisho, qaar kamid ah dadka maanta ku qornaa safarrada Gobollada Dalka ayaa xayiran sida Axadle ay u xaqiijiyeen ilo xog ogaal ah.

Maalmo kahor Garoonka Aadan Cadde waxaa dibadbax cabasho ah ka sameeyay howlwadeennada ka howlgala, kadib markii ay is qabteen maamuka Shirkadda Favori ee gacanta ku heysa Gigada Diayaradaha ee Muqdisho.

Tan iyo markii dib loo fasaxay howlaha shaqo ee Garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde, shuruudo cusub ayaa lagu soo rogay Rakaabka, maamulka diyaaradaha & Howlwadeennada ka shaqeeya.

Sababtu waxa ay Dowladda Federaalka ku macneysay in lagu xakameynayo faafitaanka cudurka Covid-19 oo dalka kiisaskii ugu horeeyay laga diiwaangeliyay bartamihii bishii Maarso sanadkaan 2020.

Axadle.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More