Madaxweyne Paul Biya ayaa ku soo laabtay Cameroon kadib laba bilood oo uu ku sugnaa Switzerland, taasoo xafiiskiisu ku tilmaamay “joogitaan gaar ah oo kooban oo Yurub ah” kaddib markii uu dalka ka baxay bishii Juun.
Intii uu maqnaa, Biya wuxuu isku shaandheyn ku sameeyay hoggaanka militariga, isagoo beddelay taliyeyaasha gobollada militariga ee wadajirka ah isla markaana dallacsiiyay madaxa Ilaalada Madaxtooyada.
- Advertisement -
Dowladdu waxay hore u beenisay warar sheegaya in madaxweynaha la dhigay rug caafimaad oo ku taalla Geneva.