Musharixiinta Guddoonka Baarlamaanka Hir-Shabeelle oo maanta

Magaalada Jowhar waxaa ka socda diyaargarowga isdiiwaangelinta musharixiinta ku hamineysa qabashada Guddoomiyaha & labadiisa ku xigeen ee Baarlamaanka DG Hir-Shabeelle, kadib markii la shaaciyay waqtiga doorashada ay dhaceyso. Araaji qabashada musharixiinta ayaa maanta si toos ah u bilaabaneysa, waxaana saacadihii lasoo dhaafay Xarunta Hir-Shabeelle ka dhacay kulamo kala duwan oo ay qabsadeen qaar kamid ah xubnaha xil-doonka ah. Guddiga doorashada ee uu magacaabay…

Maxaa looga hadlayaa Kulanka Golaha Shacabka ee maanta? –

Xildhibaannada Golaha Shacabka BFS ayaa loo diray Ajendaha kulankooda maanta oo Isniin ah kuna beegan 02/11/2020, waana laba qodob oo aqrin & dood ku geliyeen kalfadhigii 7-aad ee usoo idlaaday todobaadkii tagay. Mudanayaasha Golaha Shacabka waxaa maanta horyaalla: Aqrinta 3-aad & u codeynta Hindise Sharciyeedka Hay’adda Diiwaangalinta iyo bixinta Aqoonsiyadda oo dood badan ka keeneen xildhibaannada qaar, maadaama Hindisahaan uu muhiiml u yahay keydinta xogta muwadinta.…

“Shuruucda la meelmarinayo waxa ay marqaati ka tahay shaqada

Hogaamiyaha DG Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoor-Qoor ayaa dhiirageliyay shuruucda ka gudubta Golihiisa Wasiirada, Baarlamaanka uu ansixiyo, kadibna dib loogu soo celiyo si uu saxiixo. Qoor-Qoor ayaa howshaas ku tilmaamay mid muujineysa wada-shaqeynta hay’adaha kala duwan ee maamulka Galmudug & shaqada socota ee lagu saldhigayo shuruucda kala duwan ee loo baahan yahay in wax laga qabto. Hogaamiyaha DG Galmudug ayaa sheegay in shuruucda uu saxiixay ay muhiim u yihiin…

DFS oo sheegtay in ay dishay saraakiil katirsan Al-Shabaab.

War kasoo baxay DFS ayaa lagu sheegay in Ciidamada gaarka u tababaran ee DANAB oo howlgal qorsheysan ka fuliyay Gobollada Shabeelaha Hoose & Jubada Dhexe ay dileen saraakiil katirsan Al-Shabaab. Warka Dowladda ayaa lagu sheegay in howlgalkaan ka dhacay labadaan Gobol ee kala hoostaga DG Koofur Galbeed & Jubbaland uu ahaa mid qorsheysan isla markaana ciidanka fuliyay feejignaan muujiyeen. Howlgalka Shabeelaha Hoose waxa uu si gaar ah uga dhacay deegaan 44 KM dhanka…

Iska hor imaad lagu dilay Labo ruux oo saakay ka dhacay

Iska hor imaadkaan ayaa ka dhacay Isgoyska Dabka oo kala qaybiyo Degmooyinka Howlwadaag, Hodan & Waaberi, waxaana la dilay labo ruux oo la sheegay in ay hubeysaanyeen sida dad goobjoogayaal ah Axadle ay u sheegeen. Dilka ayaa dhacay 6:30AM, xaafadaha u dhaw Isgoyska waxaa laga maqlay rasaasta labada dhinac ay isku ridayeen, muddo kooban kadib waxaa goobta lagu arkay maydka labo ruux oo aan ku labisneen dharka Ciidanka Dowladda. Ciidamada ammaanka Dowladda oo goobta tagay…

Xildhibaannada Baarlamaanka 2-aad ee Hir-Shabeelle oo la

Magaalada Jowhar waxaa maanta lagu dhaariyay Xildhibaannada Baarlamaanka labaad ee DG Hir-Shabeelle, waxaana goobjoog ka ahaa xubnaha Guddiga soo xulay & mas’uuliyiin kala duwan. Goobta lagu dhaariyay waxaa ku sugnaa 90-Xildhibaan oo qayb-qayb kitaabka gacanta loogu saaray, saf dheer ayay u galeen miis la dul dhigay Kitaabka Qur’aanka Kariimka si loogu dhaariyo. Waqtiga dhaarin ayaa muddo dib u dhacday sabab la xiriirta buuq & muran hareeray, kadib markii Xildhibaannada…

Baarlamaanka 2-aad ee Hirshabeelle oo la dhaariyay. –

Baarlamaanka 2 aad ee Dowladda Goboleedka Hirshabeelle. Magaalada Jowhar waxaa maanta lagu dhaariyay xubnaha Baarlamaan-goboleedka 2aad ee DG Hirshabeelle, munaasabadda dhaarinta 90-ka xildhibaan ee Baarlamaanku ka kooban yahay waxa joogay guddiga soo xulay xubnaha Baarlamaanka. Munaasabadda dhaarinta Xildhibaanada ayaa waxaa ka qeyb galay Wasiirka Arrimaha gudaha Hirshabeelle Maxamed Cali Caadle, Guddiga farsamada soo xulista Baarlamaanka iyo qaarka mid ah odoyaasha dhaqanka ee…

Maxaa looga hadlay fadhiga Golaha Wakiilada DG Puntland? –

Golaha Wakiilada DG Puntland ayaa maanta oo Sabti ah yeeshay fadhigooda 5-aad ee Kalfadhiga 47-aad, waxaana la horgeeyay Qodobka 2-aad Warbixinnada Guddiyada Golaha Wakiilada maamulkaas. Kulanka waxaa shir guddoomiyay Cabdirashiid Yuusuf Jibril Guddoomiyaha Golaha Wakiilada DG Puntland, labadiisa ku xigeen Cabdicasiis Cabdullaahi Cismaan & Ismaaciil Maxamed Warsame ayaa garba fadhiyay. Ugu horeyn waxaa la xaadiriyay Xildhibaannada ku sugan hoyga Golaha Wakiilada oo gaaray…

Soomaali lagu dilay Johannesburg & Goobo ganacsi oo la

Koox burcad ah ayaa toogatay labo muwaadin oo Soomaali ah kana mid ah Ganacsatada Tuulada Cosmos ee Magaalada Johannesburg dalka Koofur Afrika sida ay Axadle u xaqiijiyeen ganacsato kale. Burcadda ayaa gudaha u gashay goobo ganacsi oo mid kamid ah ay ku dishay labada Marxuum ee Soomaalida ah oo magacyadooda lagu kala sheegay Cabdisalaam & Qays sida ay inoo xaqiijiyeen dad aqoon u lahaa labada Marxuum. Toogashada kadib, kooxda & kooxo kale oo u muuqday in ay u…

Hogaamiye Farmaajo oo ka hadlay Dhul-gariirka ku dhuftay

Hogaamiyaha DFS Maxamed Cabdullaahi Maxamed Farmaajo ayaa qoraal uu soo dhigay Bartiisa Twitter waxa uu uga hadlay dhul-gariirka ku dhuftay dalka Turkiga oo sababay dhimasho, dhaawac & Burburka dhismo hoy u ahaa dad badan. Waxa uu ku baaqay in la gacansiiyo Shacabka & Dowladda Turkiga oo wajahaya xaalad adag oo ka dhalatay Dhul gariirka ku dhuftay Izmir, waxaana uu shaaciyay in shacabka & Dowladba ay dhibka la qaybsanayaan. Hogaamiyaha Soomaaliya ayaa u rajeeyay Dowladda Turkiga ku guuleysiga dadaalka lagu…

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More