Magaalada Gaakacyo xarunta Gobolka mudug waxaa maanta ka dhacay dibadbax ay ka qaybgaleen Culima-udiin, Arday, Waxgarad & qaybaha kala duwan ee Bulshada Magaaladaas, waxaana looga soo horjeeday madaxweynaha faransiiska Emmanuel Macron.
Isu-soobaxa ayaa ka dhacay goob saacadihii lasoo dhaafay loo diyaariyay in lagu qabto bannaanbaxa ka dhanka ah Macron oo aflagaadeeyay Muslimiinta, isla markaana taageero u muujiyay sawir gacmeed laga sameeyay Nabi Muxamed NNKH.
Waxaa la…