Dowladda Suudaan oo war kasoo saartay Geerida Sheekh Nuureyn

War kasoo baxay Wasaaraddda Arrimaha Diinta Dowladda Suudaan ayaa lagu faah-faahiyay shil gaari uu ku dhintay Wadaadka lagu magacaabo Sheekh Nuureyn Maxamed Siddiiq waxaana ku dhaawacmay saddex ruux oo la socotay. Wasiirka Arrimaha Diinta Suudaan Nasrudiin Mufrix ayaa sheegay in Dowladdu ay ka tacsiyeeneyso geerida ku timid Sheekh Nuureyn oo ahaa Xaafidul Qur’aan siiqo wanaagsan ku aqrin jiray Qur’aanka Kariimka. Shilka ayaa ka dhacay Meel 18 KM u jirta Magaalada Umdurmaan,…

“Xubnaha Guddiga Doorashada 20/21 ee Hir-Shabeelle &

Hoggaamiyaha Xisbiga Wadajir Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame oo ka hadlay xubnaha Guddiga maamulaya Doorashada 20/21 ee ka imaaday dhanka Dowad Goboleedyada Hir-Shabeelle & Galmudug. Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa sheegay in xubnaha guddiyadaas ee laga soo magacaabay Hir-Shabeelle & Galmudug ay yihiin xubno katirsan hay’adda nabadsugidda & sirdoonka qaranka. “Inta badan xubnaha labada guddi doorasho ee laga soo magacaabay Hirshabele iyo Galmudug waa xubno ka…

Golaha Shacabka BFS oo maanta dhageysanaya warbixin ku

Golaha Shacabka BFS oo ku guda jira kalfadhigooda ugu dambeeyo muddo xileedkooda ee 8-aad ayaa maanta dhageysanaya Warbixin la xiriirta xaaladda Cudurka Coronavirus ee Soomaaliya. Xildhibaannada ayaa lagu wargeliyay ajendayaasha horyaalla oo kala ah: Warbixin ku Saabsan Saameynta Covid 19 ee cunto soo saarka iyo nafaqada Warbixin ku Saaabsan Saameynta Covid 19 ee Ganacsiga Aqrinta 2-aad ee Hindise Sharciyeedka Socdaalka Soomaaliya oo qaybtii 1-aad uu dhageystay Golaha.…

Dagaal u dhaxeeya Ciidamada DFS & Al-Shabaab oo ka socda

Sawir hore Deegaanka Bulacle ee Gobolka Galgaduud waxaa ka socda dagaal u dhaxeeya Ciidamada DFS & Al-Shabaab oo saacadihii lasoo dhaafay dhaq-dhaqaaq ciidan kawaday deegaankaas Galmudug katirsan. Goobjoogayaal la hadlay Axadle ayaa sheegay in ay maqlayaan jugta hubka culus, kuwa Gaadiidka Dagaalka & Qoryaha fud-fudud, inkasta oo aysan xaqiijin waxyeelo ka dhalatay dagaalka. Tuulooyinka u dhaw Deegaanka Bulacle waxaa ka barakacay qoysaska degen si ay uga nabad galaan…

Antonio Guterres oo ku baaqay in xal laga gaaro xiisadda ka

Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay Antonio Guterres . Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay Antonio Guterres ayaa ku baaqay in xal degdeg ah laga gaaro xiisadda ka dhex aloosan Raysul Wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed & Ismaamulka Tigreega. Guterres ayaa sheegay in aan laga maarmin miiska wada hadalka sidaas awgeed labada dhinac laga doonayo in wada-xaajood dhab ah ay bilaabaan si looga baaqsado gacan-qaad dhexmara labada dhan. “Waxaan aad uga walaacsanahay xaalada Gobolka Tigray…

Uganda oo Soomaaliya ka saartay 2,100 askari. – Axadle

Dalka Uganda waxaa tagay Kooxda 27-aad qaybta 6-aad ee ciidamada difaaca dalkaas ee ku howlgala Magaca Ururka Midowga Afrika ee AMISOM, kadib markii ay dhameysteen sanad ay joogeen Soomaaliya. Dowladda Uganda ayaa sheegtay in tirada Askartaan ay gaareyso 2100-Askari kuwaas oo Khamiistii tagay Xarun la dejiyo Ciidamada soo guta waajibaadka nabad ilaalinta sida Dowladdu ay hadalka u dhigtay. Munaasabad lagu dhiira-gelinayo Askartaan & saraakiisha hoggaamineysa waxaa ka…

Hogaamiyaha Malawi oo ka carooday Qish lagu sameeyay

Madaxwaynaha dalka Malawi Lazarus Chakwera ayaa ka carooday Qish lagu sameeyay Imtixaanka Qaranka ee Dugsiga sare, waxaana uu ku baqay in la badalo guddiga howshaan gacanta ku hayay. Wasiirkiisa Waxbarashada ayuu u diray warqad uu uga dalbanayo in muddo todobaad ah ku keeno sababta keentay in uu gacantiisa ka baxo Imtixaanka Dugsiga sare & Cidda fududeysay howshaas. Hogaamiyaha Malawi ayaa qiyaano qaran ku sifeeyay dusinta (Qishka) Imtixaanka fasalka 12-aad ee Dugsiga…

Maamulka Gobolka Banaadir oo Mashruuc u raadinaya

Ku simaha Duqa Muqdisho ahna Gudoomiye ku xigeenka dhanka Maaliyadda Gobolka Banaadir Axmed Xasan Iimaan ayaa sheegay in la qabanayo shir weyne looga tashanayo dib u hirgelinta bulaacadaha Biyaha ka qaada waddooyinka Caasimadda. Axmed Xasan Iimaan ku simaha Duqa Muqdisho Waxa uu sheegay in hogaamiyayaasha DFS ay aqbaleen dalabkooda ah in la isugu yeero Wakiilada beesha Caalamka, Ganacsatada & Cid waliba oo gacan ka geysan karta hirgelinta mashruucaan. Maamulka Gobolka…

Beeraleyda & Xoolo dhaqatada Hir-Shabeelle oo ka barakacay

Maxamed Bashiir Qaasim Daqarre Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Beeraha ahna sii hayaha Wasaaraddaas oo la hadlay Axadle ayaa sheegay in dadka Xoolo dhaqatada & Beeraleyda ah ay bilaabeen in ay ka barakacaan Deegaannadooda. Sababta waxa uu ku sheegay Wasiir Daqarre in Ayaxu uu saameyn taban ku yeeshay dhulka daaqsimeed & Beero Baaxad weyn oo ku yaalla Gobollada Hiiraan & Shabeelaha Dhexe ee DG Hir-Shabeelle. “Ayaxa ku degay Degmooyinka Maxaas, Aadan yabaal, Jalalaqsi,…

Waaxda Difaaca Mareykanka ma aqbali doontaa in Trump uu

Maqaal uu daabacay Teleefishinka Turkish State International (TRT) waxa uu uga hadlay qorshaha isbadalka Donald Trump haddii ay dhacdo in uu markale hoggaamiyo Mareykanka 4-sano oo kale. Teleefishinka oo daba-socda hadalkii Trump 13-kii Oktoobar 2020 uu ku sheegay in uu la baxayo Askarta Soomaaliya ka joogta oo tiro ahaan u dhaxeysa 650 ilaa 800 oo dhamaan ah Caawiyaal la shaqeeya Askarta Dowladda Federaalka & AMISOM. Trump ayaa Waaxda difaaca Mareykanka u gudbiyay…

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More