Guddoomiyaha Gobolka Baay Cali Wardheere Dooyow ayaa ka badbaaday qarax ismiidaamin ah kadib markii qof isa soo miidaamiyay uu isku qarxiyay maqaaxi ku taala bartamaha magaalada Baydhabo.
Sida ay Axadle u xaqiijiyeen ilo wareedyo, waxaa ku nafwayey afar qof oo shacab ah iyo mid ka mid ah ilaalada gudoomiyaha.
“abaarihii 11:15 daqiiqo oo subaxnimo ee saaka, qof isa soo miidaamiyay ayaa isku qarxiyay maqaaxi la yiraahdo SUWEYS oo ka soo horjeedka munaaradda SALAD JEERI ee xafadda Bardaale, Baydhabo, halkaas oo ay ku…