Al-Shabaab oo weerartay Saldhig Ciidanka Kenya ay ku

Al-Shabaab ayaa sheegatay mas’uuliyadda weerar lagu qaaday Saldhig Ciidanka Kenya ay ku leeyihiin Wajeer, waxaana ka dhashay khasaare dhimasho iyo dhaawac oo kala gaaray dhinacyada dagaalamay. Si gaar ah weerarka waxa uu uga dhacay deegaanka lagu magacaabo 50 (Konton) Degmada Qorof Xaraar, saldhig ciidan waxaa ku leh Ciidamo katirsan kuwa ammaanka Kenya oo la socda dhaq-dhaqaaqa deegaankaas. Dadka deegaanka ayaa maqlayay israaseynta Ciidamada Dowladda Kenya iyo Al-Shabaab,…

Qoor-Qoor oo Wasiiradiisa kala hadlay Sugidda Amniga kahor

Hogaamiyaha DG Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoor-Qoor ayaa kulan looga hadlayay qorshaha sugidda amniga la qaatay Wasiiradiisa, maadaama labo magaalo oo kamid ah maamulkaas lagu qabanayo doorashada kuraasta Golayaasha shacabka & Aqalka BFS. Qoor-Qoor ayaa u bandhigay Wasiiradiisa qorshaha sugidda amniga, martigelinta Ergo beeleedyada kuraasta Xildhibaannada dooraneysa, Musharixiinta iyo dhammaan waxyaabaha kale ee la xiriira Doorashada 20/21. Wasiirada qabanaya howlaha…

Wasiir Caadle oo Qabyo ku tilmaamay Guddiga Dhismaha

Wasiirka Arrimaha Gudaha & Dowladaha hoose ee DG Hir-Shabeelle Maxamed Cali Caadle oo la hadlay BBC-da ayaa ka hadlay khilaafka soo kala dhexgalay Madaxweyne Maxamed Cabdi Waare iyo Guddiga Dhismaha Baarlamaanka labaad ee maamulkaas. Khilaafka ayaa ka dhashay kadib markii guddigu uu soo saaray habraaca jadwalka xareynta Ergada, xulista Baarlamaanka, diyaarinta, dhaarinta ilaa fadhigooda ugu horeeyo waqtiga ay yeelanayaan. Wasiir Caadle ayaa sheegay in Guddigu uu qabyo…

Kenya oo walwal ka muujisay Weerarada Al-Shabaab ee Basaska

Saraakiil katirsan Booliiska Kenya ayaa Warbaahinta gudaha u sheegay in weerarkii labaad oo lagu qaaday Gaari bas ah uu ka dhacay Gudaha Dalkaas gaar ahaan deegaannada dhulka Soomaalida ee Kenya maamusho. Dhacdadii ugu dambeysay waa weerar lagu qaaday bas mararay inta u dhaxeysa Ceelwaaq iyo Kotulo, kadib markii koox hubeysan oo loo maleynayo in ay katirsan yihiin A-Shabaab weerartay bas ka yimid Magaalada Nairobi. Inta la xaqiijiyay waxaa dhaawac soo gaaray 8-ruux oo qaarkood…

DFS oo sheegtay in ay burburisay Gaari Qarax waday & Miino

Ciidamada Miliatirga DFS ayaa howlgal miino baaris ah ka sameeyay wadada u dhaxeysa Balcad & Basra ee Gobolka Shabeelaha Dhexe, kadib markii gaari dad rayid ah ay la socdeen uu dulmaray miino ku qaraxday. Dadka deegaanka & saraakiil ciidan ayaa Axadle u sheegay in askarta Dowladda Federaalka ay xirtay qaar kamid ah waddooyinka duleedka ka ah Magaalada Balcad inta uu socday howlgalka miino baarista ah oo waxa ay joojiyeen isu socodka dadka iyo gaadiidka dadka beeraleyda…

Golaha Guurtida Gobaladda Waqooyi oo u codeeyay Xeerka

Fadhi maanta Golaha Guurtida Gobaladda Waqooyi ku yeeshay Magaalada Hargeysa waxa uu u codeeyay Xeer guud ee Doorashooyinka iyo diiwaangelinta cod-bixiyaasha oo muran ka taagnaa. Xubno katirsan Aqalka Guurtida ayaa dood ka keenay Xeerka Doorashada, balse Guddoonka ayaa ka dalbaday in si duuduub ah loo ansixiyo, maadaama nidaamkaan uu hage u yahay doorashada. 53-Xildhibaan oo fadhiga joogtay waxaa codka Doorashooyinka Gobaladda Waqooyi & Cod-bixiyaasha siiyay 49-kamid ah…

Sidee ayay u socotaa howsha lagu dhaqangelinayo Jadwalka

Dhaq-dhaqaaq iyo diyaargarow sidaas u weyn kama socda magaalooyinka maamul Goboleedyada & Gobolka Banaadir oo xarun u ah DFS, si loo magacaabo xubnaha Guddiga farsamo ee Doorashada 20/21. 1-dii bishaan Oktoobar, Madxda DFS & Dowlad Goboleedyada ayaa ku heshiiyay in la dhiso Guddi Farsamo oo labada dhinac ah si uu u dhaqangelinayo Jadwalka doorashada 20/21 lagu hagayo. Magacaabista Guddiga ayaa ku taariikheysan inta u dhaxeyso 10-ka bishaan oo ku beegan Sabtida bilawga…

Dib ugu laabashada Trump ee Aqalka Cad oo dood cusub

Trump oo aan xirneen Face Mask ayaa dib ugu laabtay Aqalka Cad Hogaamiyaha Mareykanka Donald Trump ayaa dib ugu laabtay Aqalka cad kadib maalmo kooban oo uu daryeel Caafimaad ku qaatay isbitaal militari oo loo dhigay kadib markii xaaladdiisa laga deeriyay. Trump waxaa laga helay Xannuunka Covid-19, habeen kahor muuqaal kooban oo 4-daqiiqo socday ayuu soo dhigay bartiisa Twitter-ka, diiradda waxa uu ku saaray caafimaadkiisa oo uu ku tilmamaay in uu wanaagsan yahay kadib 48-saac…

Cuba oo DFS kala hadashay habka loosoo furan karo dhaqaatiir

Wasiirka Arrimaha dibadda Cuba Bruno Rodriguez ayaa xiriir telefoon la sameeyay dhiggiisa Soomaaliya Danjire Axmed Ciise Cawad oo ay kawada hadleen habka loosoo furan karo dhaqaatiir u dhalatay dalkaas oo gacanta Al-Shabaab ku jira muddo sanad ka badan. Bruno ayaa qoraal uusoo dhigay bartiisa Twitter-ka ku sheegay in Xukuumadda Soomaaliya uu kala hadlay qaabka loo fududeyn karo soo deynta Assel Herrera & Landy Rodriguez oo ah labada dhaqtar ee Afduubka ku maqan. “Xiriir…

Abaabul dagaal oo ka socda Duleedka Degmada Balcad ee

Ciidamada dowladda federaalka iyo askar katirsan kuwa Daraawiishta DG Hir-Shabeelle ayaa dhaq-dhaqaaqyo ciidan saakay kawada deegaanno dhaca duleedka magaalada balcad ee gobolka shabeelaha Dhexe. Askartaan ayaa shalay fulisay howlgal qorsheysan oo ka dhacay deegaanno dhowr ah oo duleedka ka ah Degmada Balcad ee Gobolka Shabeelaha Dhexe oo ay ku sugan yihiin Al-Shabaab. Saraakiisha Ciidanka ayaa sheegay in ujeedka howlgalkaas uu ahaa burburinta goobo ay ku sugnaayeen Al-Shabaab,…

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More