Xubnaha Guddiga Farsamo & xalinta Khilaafaadka Doorashada

Magaalada Muqdisho waxaa kusoo wajahan Xubnaha Guddiga farsamada & xalinta Khilaafaadka Doorashada 20/21 oo dhawaan magacaabeen DG si ay u yeeshaan fadhigoodii ugu horeeyay. Xukuumadda Federaalka ayaa diyaarisay goobo la dejinayo xubnaha Guddiga Farsamada & Xalinta Khilaafaadka si ay ugu qabsadaan shirarkooda oo ay isaga dhex dooranayaan Guddoonkooda, jadwaleenta shaqada sida ay howsha u fulinayaan & ku dhaqaaqista shaqada culus ee sugeysa. Wasiirka Warfaafinta XFS…

Ciidamada ammaanka DG Koofur Galbeed oo baaris ka sameeyay

Magaalada Baydhabo xarunta KMG ah ee DG Koofur Galbeed waxaa howlgal qorsheysan ka sameeyay Ciidamada ammaanka ee maamulkaas, si loo xasiliyo amniga degmada kahor inta aysan martigelin doorashada kuraasta BFS. Ciidamada ammaanka ayaa baaris ka sameeyay qaar kamid ah Xaafadaha Magaalada Baydhabo, Gaadiidka nuucyadiisa kala duwan & dadka la socda ayay baarayeen inta uu socday howlgalkooda. Laamaha ammaanka DG Koofur Galbeed ayaa ujeedka howlgalka ku sheegay mid lagu…

Wasiirka Warfaafinta XFS oo sheegay cidda ay u xayiran tahay

Cismaan Abuukar Dubbe Wasiirka Warfaafinta Soomaaliya oo la hadlay Warbaahinta Dowladda ayaa sharaxay howlaha lagu wajahayo Doorashada 20/21 oo la mariyay labada Gole ee BFS, isla markaana uu u codeeyay Baarlamaanka. Wasiir Dubbe ayaa tilmaamay in Xukuumadda aan laga sugeyn howlaha doorashada, balse cidda laga doonayo qabashada shaqadaan ay tahay Guddiga farsamo & xalinta Khilaafaadka ee ka imaanaya DFS & DG. “Xukuumadda Federalka lagama sugayo in ay gacmaha la gasho…

Jadwalka Doorashada 20/21 & caqabadaha ku hor gudban! –

Bartamihii September 2020 waxaa heshiis laga gaaray doorashada dalka 20/21 kadib kulan dhexmaray Hogaamiyayaasha DFS & DG oo horay wada-xaajood saddex heer maray ku yeeshay Magaalada Dhuusamareeb ee xarunta Galmudug. Dhuusamareeb (3) kama aysan qaybgelin Hogaamiyayaasha DG Puntland & Jubbaland, waxa ay taasi keentay in ay diidaan natiijada heshiiska ay saxiixeen Hogaamiye Farmaajo, Hogaamiyayaasha DG Galmudug, Hir-Shabeelle, Koofur Galbeed & Guddoomiyaha Gobolka…

IOM oo sheegtay in Biyaha Senagal ay ku dhinteen 140

War kasoo baxay Hay’adda Socdaalka Adduunka ee IOM ayaa lagu sheegay in xeebaha dalka Senegal ay ku dhinteen dad gaaraya 140-ruux oo doonayay in ay tahriib ku galeen Qaaradda Yurub. Hay’adda IOM ayaa sheegtay in dadkaan ay la socdeen doon ka shareecatay Xeebaha Senegal oo guud ahaan qiyaastoodu ahayd 200-ruux, balse ay quustay inta aysan ka dhamaan Biyaha dalkaas, inkasta oo aan la sheegin dhalashada dalalka ay kasoo jeedaan. Dhacdadaan oo qarsooneed ayaa dhacday Sabtidii…

Faransiiska oo cabsi ka muujiyay Silsilado weeraro ah! –

Dowladda Faransiiska ayaa wajaheysa walwal xooggan oo lagu bartilmaameedsan kara Muwaadiniinteeda, kadib markii ay korortay carada ka dhalatay Aflagaadada uu Muslimiinta u geystay Hogaamiye Emmanuel Macron & taageerista sawir gacmeedka laga sameeyay Nabi Muxamed NNKH. Faransiiska ayaa laga diiwaangeliyay 8-Weerar oo laga soo bilaabay 2015-kii, waxaana ku dhintay muwaadiniin u dhalatay dalkaas, halka ay dhaawacmeen tiro dad ah oo ku sugnaa goobaha weeraradaas ka dhaceen.…

“Soomaalinimo ma diidanin balse waxa aan kasoo horjeednaa

Muuse Biixi Cabdi Hogaamiyaha Gobaladda Waqooyi oo ka hadlay Munaasabad ka dhacday Magaalada Hargeysa ayaa sharaxaad ka bixiyay qorshaha siyaasadeed & wada-hadalka Dowladda Federaalka ay la yeesheen. Waxa uu sheegay in aysan diidaneen Soomaalinimo, isla markaana ay qayb ka yihiin Soomaaliweyn, balse ay kasoo horjeedaan in lagu jujuubo (Af-qabto) marka laga hadlayo dhanka Siyaasadda. Muuse Biixi ayaa sheegay in wax waliba oo dhaca in aysan meesha ka saareyn Soomaalinimada oo…

DG Galmduug oo maanta Bandow gelisay Degmada Caabudwaaq! –

Hogaamiye ku xigeenka DG Galmudug Cali Daahir Ciid ayaa la sheegay in uu laamaha ammaanka amray dhaqangelinta Bandowgaan oo lagu sugayo ammaanka Magaalada Caabudwaaq oo bilawday Maanta  11:30 AM. Gudaha Degmada waxaa la dhigay Ciidamada ammaanka oo ilaalinaya dhaq-dhaqaaqa dadka, iyaga oo baaraya xaafadaha qaar oo ay ku tuhmayaan maleeshiyaadka dilalka aanooyinka geysta. Waxyar kahor inta aan bandowga Degmada Caabudwaaq la gelin waxaa lagu toogtay qof kamid ah dadka degmadaas,…

Banaanbax ka dhan ah Hogaamiyaha France oo Gaalkacyo ka

Magaalada Gaakacyo xarunta Gobolka mudug waxaa maanta ka dhacay dibadbax ay ka qaybgaleen Culima-udiin, Arday, Waxgarad & qaybaha kala duwan ee Bulshada Magaaladaas, waxaana looga soo horjeeday madaxweynaha faransiiska Emmanuel Macron. Isu-soobaxa ayaa ka dhacay goob saacadihii lasoo dhaafay loo diyaariyay in lagu qabto bannaanbaxa ka dhanka ah Macron oo aflagaadeeyay Muslimiinta, isla markaana taageero u muujiyay sawir gacmeed laga sameeyay Nabi Muxamed NNKH. Waxaa la…

Talyaaniga oo Askarta Uganda ku bogaadiyay Howlgalkooda

Danjiraha Talyaaniga ee Dalka Uganda Massimiliano Mazzarati oo qalab loogu talagalay Covid-19 ku wareejiyay hoggaanka Militariga dalkaas ayaa bogaadiyay howlgalka UPDF-ta ee Soomaaliya. Talyaaniga ayaa militariga Uganda ku wareejiyay labo (neef-siiye) si aan cabur u imaan, waxaana la dhigay Isbitaallada Militariga Bombo & Aqalka Cad oo ah halka lagu daweeyo Ciidamada iyo saraakiisha. Abaanduulaha Ciidamada Militariga Uganda Gen. David Muhoozi ayaa guddoomay qalabkaan oo la…

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More