Muqdisho (Axadle) – Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa markii u horeysay ka hadashay xaalada ka taagan dalka Afghanistan, taasi oo ay gacan ku haynteeda la wareegtay kooxda Taalibaan.
Wasiiru-dowlaha wasaaradda waxbarashada Soomaaliya, Cabdiraxmaan Jaabiri ayaa sheegay in dhacdada Afghanistan laga baran karo sida ay waxba usoo kordhineyna joogitaanka ciidamo Ajnabi, sida uu hadalka u dhigay.
Waxa uu xusay in 20 sano dowladda Afghanistan lagu…