Manchester City ayaa barbaro ka tuugtay kooxda West Ham oo martli loogu ahaa garoonka Stadium iyadoo labada kooxood ay ku kala baxeen barbaro 1-1 ah.Kooxda reer London ayaa hogaanka ku hormartay ka dib gool qurux badan uu u saxiixay Michael Antonio, iyadoo City ay barbaraha heshay bilowgii qeybta labaad ka dib gool uu u dhaliyay Phil Foden oo bedel ku soo galay.Pep Guardiola ayaa laga jabiyay rikoodh cajiib ah waligiis intii uu tababare ahaa sideed dhibcood kama uusan helin shanta kulan ee ugu horeysa xilli ciyaareedka,…