“Liverpool Waa Ay Ceyrin Laheyd Jurgen Klopp Haddii Uu Ahaan
John Barnes ayaa sheegay in tababaraha Liverpool Jurgen Klopp in la ceyrin lahaa labadii sannadood ee ugu horeysay waayihiisa Anfield haddii uu ahaan lahaa nin madow.
Tababaraha Jarmalka ayaa la wareegay shaqada tababare ee Reds bishii October 2015, wuxuuna ku hogaamiyay Reds kaalinta 8aad iyo 4aad ee Premier League labadii sanno ee ugu horeysay, inkastoo sannadkiisii ugu horeysay uu kooxda gaarsiiyay finalka EFL Cup iyo Europa League.
Sidaasi oo ay tahay John Barnes oo u soo ciyaaray Liverpool intii u dhaxeysay 1987 iyo 1997 ayaa sheegay in Klopp uu shaqadiisa weyn lahaa haddii uu midabkiisa madow ahaan lahaa.
“Isbedel waad ku sameyn kartaa hab maamulka laakiin ilaa iyo inta aragtidaada iska bedeleyso waxba isma bedelayaan” ayuu yiri Barnes oo ka hadlayay iscasilaadii gudoomiyaha FA-ga Greg Clarke kaasoo erey cunsurinimo ah ku qeexay ciyaartoyda madow.
“Waxaan tusaale u isticmaalayaa Jurgen Klopp” ayuu hadalkiisa raaciyay Barnes.
“Guulo intii la eg ayuu gaaray labadii sannadood ee ugu horeysay qandaraaskiisa iyadoo Liverpool ay 25 dhibcood ka danbeysay kaalinta 1aad? Laakiin haddii aan nahay Liverpool waxaan aaminsaneyn inuu ahaa nin ku haboon shaqada.
“Haddii xaaladaha qaar ay isbedeli lahaayeen, waa uu weyn lahaa shaqadiisa. Haddii uu madow ahaan lahaa, waa uu weyn lahaa shaqadiisa labadii sannadood ee ugu horeysay.”
Barnes ayaa sidoo kale sheegay in tababarayaasha Ingariiska ee cadaanka ah inay iyaguna wajahaan takoor madaama laga ceyriyo shaqada si sahlan gaar ahaan marka ay qabanayaan shaqada lixda kooxood ee ugu waa weyn.
Kaliya Frank Lampard ayaa ah nin cadaan Ingariis ah tababarayaasha lixda kooxood ee ugu waa weyn England iyadoo macalimiinta kale ay u kala dhasheen Jarmal, Spain, Portugal iyo Norway.
Shantiisa sanno ee uu Klopp joogay Liverpool wuxuu u qaaday Champions League iyo Premier League oo ay ku guuleysteen labadii xilli ciyaareed ee ugu danbeysay.