France Oo Dubatay Portugal Una Soo Gudubtay Ciyaaraha Kama

France ayaa u soo baxday ciyaaraha kama danbeysta UEFA Nations League ee 2021 ka dib guul 1-0 oo ay ka gaareen xulka difaacanaya koobkaan ee Portugal oo marti loogu ahaa magaalada Lisbon.

Xulka martida ahaa ayaa gacan sareeyay qeybtii hore iyadoo goolhaye Rui Patricio uu labo jeer fursado waa weyn ka beeniyay weeraryahan Anthony Martial.

Portugal ayaa iyaguba hogaanka u qaban karay ciyaarta daqiiqadii ugu danbeysay ee qeybtii hore ee ciyaarta markii Cristiano Ronaldo uu kubad madax ah ku sigay goolka.

N’Golo Kante ayaa u dhiibay hogaanka xulka Faransiiska bilowgii qeybta labaad markii uu shabaqa ku taabtay kubad uu goolhaye Patricio ka badbaadiyay Adrien Rabiot.

Xiddiga Portugal Jose Fonte ayaa birta garaacay ka dib goolkaas iyadoo Faransiiska ay difaacdeen goolkooda 15kii daqiiqo ee ciyaarta ugu danbeysay.

France ayaa haatan seddex dhibcood hogaanka uga heysata Portugal oo ay kuwada jiraan Group A3, waxayna u soo bixi doonaan ciyaaraha kama danbeysta ee UEFA Nations League wax kasta oo dhacaya kulamada u harsan. Labada xul ayaa isku arki doona magaalada Budapest wareega group-yada ee Koobka Qaramada Yurub ee la qabanayo bisha Juun 2021.

XIDDIGA GAROONKA

Antoine Griezmann (France): Waqtiyadii ugu fiicnaa ee xulka France waxay ka yimaadeen cagta Antoine Griezmann. Dhibaato joogta ah ayuu ku hayay xulka Portugal isagoo si fiican u buuxiyay inta u dhaxeysa khadka dhexe iyo daafaca Portugal islamarkaana isku hayay weerarka xulka France.

QIIMEYNTA CIYAARTOYDA

Portugal: Patricio 7; Cancelo 7, Fonte 6, Dias 6, Guerreiro 7; Pereira 6, Carvalho 6 Bruno Fernandes 5; Felix 6, Ronaldo 6, Bernardo Silva 5.

Bedel: Jota 6, Oliveira 6, Trincao 6, Moutinho 6, Paulinho 6

France: Lloris 6; Hernandez 7, Kimpembe 7, Varane 6, Pavard 6; Kante 7, Rabiot 7, Pogba 6, Griezmann 8; Martial 6, Coman 6.

Bedel: Giroud 6, Thuram 6

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More