17 Jirka Barcelona Ansu Fati Oo Jabiyay Rikoodhka El Clasico
Xiddiga da’da yar ee Barcelona Ansu Fati ayaa jabiyay rikoodh kale ooi gooldhalin ah isagoo noqday xiddigii ugu da’da yaraa abid ee gool ka dhaliya El Clasico.17 jirkaan ayaa dhaliyay goolka barbaraha kooxda Barcelona ee kulanka haatan ka socda Camp Nou isagoo jabiyay rikoodh uu hore u hayay halyeeyga Real Madrid Raul Gonzalez.181 kulan oo la ciyaaray El Clasico horyaalka La Liga Ansu Fati ayaa ah xiddiga ugu da’da yar ee abid shabaqa soo taabtay isagoo goolka maanta dhaliyay iyadoo da’diisa ay tahay 17 sanno iyo 359…